 |
|
Warankulule
qiil ma u hayaa in USC,SNM,SPM SSDF denbiilayaal yihiin?
Sep,14.2004 (RFS_RFS )
warankululow adigaaba dagaal ooge ka daran
maxaa nimanka sharafta leh ku daba dhigay. soomaalida weligeed
ayay isdagaali jirtay hadana heshiin jirtay ee waa maxay maxkamadda
aad sheegaysaa. wax cadayn ah mase haysaa.
warankuluow af lagaadada jooji caydiid geesi soomaalida difaaco
ayuu ahaa amxaarona asagaa dalka ka difaaci jiray qof soomaali
ahna ma dilin muslimka ayuu difaaci jiray buugaagna wuu qoray
oo waa aqoon yahan.
cabdilaahi yusuf ayaa la yiraahdaa ee ha oran kornayl yey.
dadka dhintayna wax haka sheegin wiil aan aqlaaq lahayn ayaad
tahaye. caato waa geesi wadani ah hantidiisana qofna laguma
dilin qanyare sidoo kale qofna uma gefin afkiisna waa laga
amaan helay qabiilna weligii kuma dhaqmin. Ali mahdi waa nin
nadiif ah hantidiisana u huray Soomaalida xuseen caydiidna
waaba xildhibaan. Siyad Barre waa dhintay ee ka har. tuur
iyo siilaanyo waa geesiyaal ee faraha ka qaad. Jeesna waa
geesi ee la soco
Abdilahi yusuf rab ama ha rabin waa madaxweynaha soomaaliya
ee dadkaaga dhinac ka soo raac waana la dooranayaa. maxkamadda
aad sheegayso waa maxay ayagaaba la doortaye. qofna kuma cadda
inuu wax dilay ee eedeeynta jooji
Soomaalida dembi ma gelin nimanka aad sheegayso gaajo uun
bay ka cacarayeen oo wadanka waa gaajo doolshada yaan lagaa
badsan ayaa la isku dagaaley ee colaadi ma jirto caruurta
dhimatay iyo kuwa qaxay ee badaha ku dhamaaday waqtigoodaa
dhamaaday haddii la dhergo waa la is jeclaanayaa haddii la
qadona waa weligeedaa la iscuni jiray. haddase ayagaaba dadka
ugu waayo aragsan ee faraha ka qaad. cafis inay weydiistaan
bulshada uma baahna ee adigaa u baahan. SSDF, USC, SPM SNM
waa xaq u dirir xoreeyey soomaaliya denbina ma gelin.
Doqoni meel lagu kaftamay moodaa in lagu kala dhintay. warankulule
waranka dhig dadka soo raac.
abdicalasow@yahoo.com
|
 |