Codka Beesha

 



 


Kulakii 2-aad oo looga hadlayo sidii xasillooni looga dhigi lahaa Dalka Somalia, oo lagu soo gebagebeeyey Caasimadda Dalka Kenya ee Nairobi.

Dicr,16.2004 Radio Free Somali (Nairobi)

Marka la eego jawiga guud ee dhaqdhaqaaqyadda loogu jiro sidii deganaansho guud looga abuuri lahaa dalka Somalia, waxaa la qiri karaa nay Nabaddu muhiim u tahay sidii ay Dowladda Federalka u hawlgeli lahayd, isla markaana loo soo celin lahaa deganaanshaha guud ee Dalka.

Si loo soo celiyo nabadda iyo kala dambaynta waa hawl xasaasi ah, loona baahan yahay in si taxadir leh looga baaraandego, iyadoo laga ambaqaadayo guuldarooyinkii lagala kulmay Hawlgalladdii lagu doonayey in si khasab ah Dalka Somalia looga abuuro nabadgeliyo.

Haddaba, kulankii 2-aad ee looga munaaqashoonayey sidii deganaansho looga abuuri lahaa Dalka Somalia, ayaa waxa uu maanta ku dhamaaday Hotelka Hilton ee ku yaalla Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, waxaana shirkaasi ka soo qeybgalay Hawlwadeenno ka kala socday Dowladda Federalka ee Dalka Somalia, Dowladaha Ethiopia, Kenya, Jabuuti iyo Saraakiil ka kala socday QM iyo Ururka Midowga Afrika "AU"-da.

Khubarro ka tirsan Saraakiisha Ciiddanka XDS ayaa waxay ka qeybgaleen shirkaasi, iyagoo soo bandhigay Istaraatijiyadda guud ee lagu dhaqangeli karo Nabadda, isla markaana Maleeshiyooyinka looga dhigi karo hubka ay la yururaan.

Sida laga dareemayo xubnihii QM ee ka hadlay Shirkaasi, waxay u muuqata inay QM u soo jeesatay sidii ay gacan dhab uga geysan lahayd sidii ay Dowladda Federalka ku hawlgeli lahayd, isla markaana loo hirgeli lahaa Mashaariicda horumarinta iyo hawlaha lau sugayo Ammaanka iyo Sharciga.

Weriyeyaasha ku sugan Magaalladda Nairobi, ayaa waxay soo weriyeen inay QM kaalin udub-dhexaad ah ka ahayd Arrimaha shirka, waxaana taasi ugu wacan Ballanqaadkii xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ku gaareen shirkii ay bishii November-tii la soo dhaafay ku yeesheen Magaalladda Nairobi., waxayna ballanqaadyadaasi qeexayeen in la ballaariyo taageeradda QM ka geysanayso Arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo Nabadda ee Dalka Somalia iyo sidii loo kordhin lahaa Ergadda ka hawlgasha Xafiiska QM ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda ee Dalka Somalia "DPA".

Diplomaasiga lagu magacaabo Ciid Bedel Maxamed, oo ka tirsanaa Diplomaasiyiinta Soomalida uga wakiil ah QM, ayaa sheegay inay QM ka go’an tahay sidii ay u caawin lahaayeen Ummadda Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa ammaan buuxa, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu jiro biseyl ka yimid dhinaca Beesha Calaamka iyo dadka Somaaliyeed

Khubaradda Ciiddamadda iyo kuwa ku takhasusay Arrimaha Bulshadda, waxay rumeysan yihiin in Dalka Somalia laga hirgelin karo hub-ka-dhigis, iyadoo aan la adeegsanin cudud Ciiddamo Shisheeye, waxayna ku baaqeen in la haelo dakhli u gaar hub-ka-dhigista, si Maeeshiyooyinka loogu dhiirigeliyo inay si mutadawacnimo leh u dhigaan hubka,. Isla markaana loogu abuuro xirfad-shaqo oo ay ku xoogsan katraan.

Ra’yiga noocaasi ah, waxa uu taageero ka haystaa dadka ku nool gudaha Dalka Somalia, oo iyagu u arka Maleeshiyooyinka inay hubka iska dhigayaan, haddii loo helo shaqo kale oo ay ka heli karaan wax ay ku noolaadaan.

Dhinaca kale, Beelaha Soomaaliyeed, waxay tuhun ka qabaan haddii Ciiddamo Shisheeye loo adeegsado hub-ka-dhigista Maleeshiyooyinka, waayo, waxaa weli jira kalsooni-darro ku kala jirta Hoggaamiyayaasha Kooxaha iyo Maleeshiyooyinka Beelaha ee horey u dagaalamay.

Si kastaba ha ahaayee, markaynu isku soo duubno, Istaraatijiyadda dhinaca hub-ka-dhigista iyo soo celinta Nabadda iyo Ammaanka, waxaa uu dhaqangal noqon karaa marka la helo Ciiddamo Soomaaliyeed oo mideysan oo si kalsooni leh u wada shaqeyn kara, isla markaana si ficil leh hal mar Hawl-galka hub-ka-dhigista looga bilaabo guud ahaan Dalka Somalia, min Raas-kambooni ilaa iyo Raas-Casayr.

WQ. Nuradin Abokor Axmed “Diini-Yare”

Radiofreesomalia

nuradinhaji@hotmail.com

nuradinhaji2000@yahoo.com








Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.