Codka Beesha

 



 

NABAD & DAGAAL Inj.Munye,MIDKEE AYAA U DAN AH???

Feb,14.2005 Radio Free Somalia (RFS)

Waxaan maalmihii ugu danbeyey ay idaacaduhu iyo webside,yada aanu ka maqalnay wareysiyo uu bixinayay inj.Munye,qoraalo isaga lagu taagereyey,kuwaasi markaad u kuur gasho,waxaad is ledahay talow,ma Hogaamiyihii ugu danbeyey,e hogaamiyeyaasha dagaalka baa oo is soo shaac bixinaya,misna ah Hogaamiye badedka,Hubkisuna uu yahay Maraakiibti Qaranka Somaaliya,Maatidiina ay tahay shaqalaha Masakiiinta ah e saaran maraakibta,oo ay u shaqeyaaan sida mashiinka,iyagoo saacadaha ay shaqeyaan aan xad lahayn,walina aan waxba lagu siin,xuquuq-ay leeyihiina warkeda daa,walina ay u dheer-tahay hanjabaaddo ,iyo aflagado loogu geysto Maraakibta gudahooda,mushaaradoda o lagu dhibo iyado lacagaha ay ku shaqeyaana aysan la socon waqtiga,iyadoo mudooyinki ugu danbeyeyna laga goynayay ama la dhimey mushaarkodi,halka ay shaqadooduna tahay 18 hours(saacadod),iyo ka badan maalintii,Cid u doda Xuquuqdooda ama ka warhaysana aysan jirin. Haddaba waxaa wax laga xumaado ah,in ninka shegta Maamulka Maraakibta e Inj.Munye uu ku shego Hoogaaamiyeyaashii isaga ka horeyey,kuwo bur-buriyey hantiddii qaranka bililiqeystay kaawoyinkii wadanka,sow ma oga isaguna inuu kuwaa waxba uga duwaneyn,maxkamadaha uu shegayana in ay isagana ay sugeyso soow ma Oga.!!!Siddoo kale waxaan donayaa in aan xuso in Sheegtay Korneyl M.A.(Hassan) kuna daabacay webside,ka MARKA-CADEEY,Fikirkiisa ku aadan Inj.Munye,waxaan leyahay umadda Qiyaamo iyo Been ugu filan,wey soo martay mudooyinkii 14 sano ahayd e lasoo dhaafey iyo xilliyaddii ka horeyeyba,haddaba waxaad uga duwan tahay kuwa taageera hogaamiyahoda o aan wanaaga maahee xumaanta u ogoleyn,waa midke kan hogaamiyihiisa ugu yeera Burcad,Xaraan-cune,Gacan ku dhiigle iwm,kuwaasina waxba kagama duwanid kan korneylka shegtay,waxaan qoraalakan kuso gunaanadayaa Inj.Munye marka hore daacad ka noqo Nabadda iyo Dowladdnimadda aad Afka ka shegeyso,Hogaamiyeyaasha aad lacagta aad ku siso Sidey xabadda usii socon lahayna Jooji,Shaqalaha Baxrida ah e Maraakiibta aad gacanta ku haysona Xuquuqdodii Ilaali,haddalkaagiina waxaa ku jirey haddi ay dowlad timaado wixi aan ku yeesho halayga siiyo haday wax iigu yelatana waan bixinayaa,Aaway Xoolihii Qaranka aad u haysay 14 Sano ku dhowaad Xagey Mareen,Ma waxay ku baxen Madaaficdii iyo Rasaasihii 14 sano,dadka Maatida ah lagu xasuuqey.?

by.Axyaa-wadani.







Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | Webmaster@radiofreesomalia.com