| Qabuurihii
Taly aaniga ee ku yaalay deegaanka SOS oo maa nta dibadda
loo soo saa ray
Jan,19.2005 Radio Free Somali (RFS)
Boqolaal oo qabuurihii Talyaaniga ee ku
yaalay deegaanka SOS ayey dibadda u soo saareen qaar ka mid
ah maleeshiyooyinka Maxkamadaha ka jira magaalada Muqdisho

Qabuurahan oo ku yiilay dhabarka dambe ee
tuulada Carruurta SOS ayaa waxa ay ahaayeen qabuura ay laheyd
dowladda Talyaaniga oo halkaas ku yaalay in ka badan Kontan
Sanno.
Qaar ka mid ah dadka deegaankaas ayaa sheegay
in Maxkamaduhu ay soo dul dageen xalay waxa ayna sheegeen
in ciidamada maxkamadaha ay ku wargaliyeen in aaney jirin
wax dhibaato islamarkaana ay degaanaansho muujiyaan.
Ciidamada Maxkamadaha ayaa isla xalay waxa
ay bilaabeen in ay burburiyaan qabuurahaas iyagoo soo faagay
wixii ku jiray ee meydadkaas ahaa.
Qabuurahaas ayaa waxaa ka muuqday burbur
aad u weyn iyadoo maleeshiyooyinka ka amara qaata ay diideen
in HornAfrik ay gudaha u gasho qabuuraha, waxa ayna ka gaabsadeen
in ay ka warbixiyaan wax halkaas ka jira.
Dhinaca kale, deegaanka garoonka diyaaradaha
ee magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa lagu soo shubay in
ka badan Konton Madax sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay ka cabanayaan
in caafimaad daro ay ka soo gaarto lafahaas lagu soo shubay.
dhanka kale dad ayaa bilaabay
iney lafahaas maryo ku ururiyaan , waxayna yiraahdeen waxaa
laga yaaba in dadkoodii ay soo doontaan, DNA lagu raadin karo
lafahaa dadkii lahaa.
webmaster@radiofreesomalia.com
|