Codka Beesha

 



 

Ra'iisalawasaarha DFKMG ah soomaalya, Cali Maxamed Geedi ayaa baaqday iyadoo magaaladaasi siweyn looga sugayay wafdiga uu horkacayay Ra'isulwasaaraha.

Feb,23.2005 Radio Free Somalia (London)

Wafdigii uu hogaaminayay ra’isulwasaare Geedi oo la filayay in ay maanta soo gaaraan Degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa baaqday iyadoo magaaladaasi siweyn looga sugayay wafdiga uu horkacayay Ra'isulwasaaraha.

Xuseen Xaaji Jaabiri oo ah afhayeen xafiiska Ra'isulwasaaraha ayaa shabakada warabaahinta shabelle u xaqiijiyay in wafdigii uu hogaaminayay Ra'isulwasaare Cali Maxamed Geedi ee lagu waday in uu maanta Jowhar yimaado uu dib u dhac ku yimid iyadoo dib u dhacaasi uu sababay cilad xagga farsamada diyaaradaha oo ay sugayeen 3 diyaaradood oo wafdigaasi soo qaada balse habeenimadii xalay ayaa waxaa loo sheegay in la helay hal diyaarad oo kaliya halka labadii kale ay suuro gali waayeen taasi uu sheegay Jaabiri intii ay qeyb qeyb u soo bixi lahaayeen in hal mar ay soo wada baxaan maalinimada qamiista.

wafdigani lagu waday in ay maanta ay yimaadaan Jowhar ayaa waxa ay gaarayeen ilaa iyo 50 xubnood oo isugu jira labada gole ee xukuumadda iyadoo lagu waday marka ay tagaan jowhar ay uga baqoolaan gobolo ay ka mid yihiin Baay, B/weyne iyo kuwo kale oo aan la xaqiijin.

 

Editor@radiofreesomalia.com








Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | Webmaster@radiofreesomalia.com