Codka Beesha

 



 


Dr Admore Kambudzi: Waan Garawsanahay Xasaasiyada iyo Dareenka Jira

Feb,16.2005 Radio Free Somali (RFS)

Madaxa wafdiga xaqiiqo raadinta ee haatan booqashada ku maraya Soomaaliya Dr Admore Kambudzi ayaa sheegay in Midowga Afrika uu tixgelin doono xasaasiyada iyo dareenka ay la kulmeen kahor inta aanan ciidan loo dirin Soomaaliya. Hadalka Admore Kambudzi ayaa

kusoo beegmay kadib markii lama banaanbax oo waawayn ay ka dhaceen magaalada Muqdisho kuwaasoo looga soo horjeedo in dawladaha deriska ah gaar ahaan dawlada Itoobiya ay ka mid noqot ciidanka nabad ilaalinta Soomaaliya loogu soo dirayo.

Wasiirka warfaafita ee dawlada Itoobiya Simon Berekat ayaa isna sheegay in go’aansadeen in ay ciidankaas ka qaybqaadan doonaan, wuxuuna waraysi uu BBCda siiyey ku sheegay in si kasta ay ahaataba ay ciidankaas ka mid noqon doonaan. Dhinaca kale warsaxaafadeed qoraal ah oo ay soo saartay hay’adda International Crisis Group ayey kaga digtay in Soomaaliya loo diro ciidan ay ku jiraan dawladaha safka hore, iyagoo dawladaha deeqda bixiya ka codsaday in aysan taageerin hawgalka noocaas oo kale ah, ilaa iyo inta uu barlamaanku ka ansixinayo aarinkaas.

Waxay kaloo ka digeen in hadii aan sidaas la yeelin in ciidan Soomaaliya loo diro oo ay dawlada safka hore ku jiraan, kuwaasoo la kala safnaa kooxaha Soomaalida ilaa iyo haatana la kala safan ay keeni karo qas iyo jahwareer hor leh.

Kumanaan dad ah ayaa shalay isugu soo baxay magaalada Muqdisho iyagoo ka cabanaya in Itoobiya lagu soo daro ciidanka Soomaaliya la keenayo, waxay kaloo dadku iswaydiinayeen sababta ciidanka Somaaliya loo soo dirayo looga saaray dawladaha Muslimka.

Dawlada madaxweyne Yuusuf oo iyadu ku kala qaybsan arrinka ciidanka ayaa codsi hordhigta dawladaha Carabta oo iyagu ilaa haatan wax jawaab ah arrinkaas ka bixinin. Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in dadwayanaha Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ay u muuqata dhibaatada ay keeni karto ciidan Itoobiya ah oo Soomaaliya loo keeno hub ka dhigis.

Waxaa kaloo muuqata in gudigii xaqiiqo raadinta ahaa ee golaha ammaanku u saaray in soo baaraan cida jebisay cunaqabatayntii hubka Soomaaliya ay soo heleen in Itoobiya ay tahay dawlada Soomaaliya gelisa hubka ugu badan. Laakiin siyaasiyinta Soomaalida qaarkood iyo dawlada Itoobiya u muuqdo arrinkaas isaga ah, waxaase maalmaha soo socda la ogaan doonaa halka uu arrinkaasi u dhamaado.

Cabashada iyo banaanbaxyadaan ayaa waxaa ay caalamka u arkaan iney ka dambeeyaan dad nabada iyo in Somaliya degto diidan, hase yeeshee caalamka iyo IGAD ba go,aankooda ciidan keenista waxba kama badalayso cabadashada ciidanka shisheeye iyo banaanbax, gudigaana waxay eegayaan halka ay xeryo iyo ciidamadooda ka dejinayaan , waa gudi samaynaya planing iyo fulin howl lagu soo kala saxiixday caalamka iyo qwybo ka tirsan wadamada Afrika.

webmaster@radiofreesomalia.com

RadioFreeSomalia









Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.