|
Shil
Dad ku Dhinteen oo ka Dhacay Gellinsoor.
Jan,28.2005 Radio Free Somalia (RFS)
Hal qof ayaa ku geeriyooday duleedka degmada
Gellinsoor ee gobolka Galgaduud ka dib markii maleeshiyooyin
hubaysani ay waddada u galeen gaari dad rakaab ahi saarnaayeen
oo ka yimid dhinaca magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Ninka dhintay oo ka mid ahaa rakaaabka gaarigaasi,ayaa
waxaa la sheegayaa in ay haleeshay rasaas ay rideen maleeshiyooyinka
jid galka sameeyay oo gaariga rasaas oodda kaga qaaday ka
dib markii wadaha gaarigu ka dhaga adaygay amar kaga yimid
dhinaca dablayda oo ahaa in uu gaariga istaajiyo.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii 2 qof
ay ku dhinten 3 kalena ay ku dhaawacmeen iska hor imaad dhex
maray labo kooxood oo mid ka mid ah waddada jidgooyo dhigatay,iyo
maleeshiyooyin kale oo ilaalinayay gawaari xamuul oo ka yimid
dhinaca Gaalkacyo kuna sii jeeday magaalada Baladwayne ee
xarunta gobolka Hiiraan.
Tan iyo markii dagaallada beeleed ay gobollada
Mudug iyo Galgaduud ku dhex mareen labada beelood ee Saleemaan
iyo Sacad,waxaa soo badanayay maleeshiyooyinka aan cidna ka
amar qaadan ee jid gooyada dhigta waddada dheer ee isku xirta
gobolka Hiiraan ilaa Mudug,iyadoo maleeshiyooyinku ay dalbadaan
in ay iyagu jidka gudbiyaan gawaarida xamuulka ah ee Muqdisho
ka baxaysa haddii ay sidaasi diidaanna waddada u gala.
Tuulada lagu magacaabo Beendheere oo ku dhow
Gellinsoor ayaa halka ugu daran ee ay ku sugan yihiin maleeshiyooyin
jidgooyo u taallo oo u jeeddada joogitaankooduna uu yahay
in ay diyaar u ahaadaan dagaal mar kale dhex mara labaldii
beelood ee diriray oo aan wali xurguftoodii xal waara loo
helin.
Odayaasha iyo waxgaradka deegaannada ay maleeshiyaadku
qalalaashaha ka wadaan ayaan ku guulaysan in ay arrintaasi
isku howlaan,waayo waxay dadaalkooda oo dhan isugu geeyeen
sidii ay u qaboojin lahaayeen xiisadda beelaha walaalaha ah
ka dhex taagay oo ay rumaysanyihiin haddii iyada xal loo helo
in wax walba ay hagaagayaan.
Liibaan Cabdi Cali
|