Codka Beesha

 



 

Mas'uuliyiin ka tirsan dowlada Kenya ayaa Mar Kale Ugu Baaqday Madaxda Soomaa lida Iney Nayroobi ka Guuraansida ugu dhaqsiyaha badan.

Jan.5 .2004 Radio Free Somali (RFS)

Waxaa beryahaan dambe soo badanayay cadaadiska dowlada Kenya ku hayso shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladeedii dhowaanta la dhisayba.

Wasiirka Keenya u qaabilsan iskaashiga gobolka isla markaana mas'uul uga ah hawlaha dib u heshiisiinta Soomalida Mr. John Koech ayaa digniin u jeediyey dawladda Soomaaliya ee xarunteeduna tahay Nairobi, isagoo ugu baaqay inay si degdeg ah ugu guurto Nairobi una qabto dalkeeda, wuxuuna ka digay in sii joogitaankeeda Kenya ay khlakhal gelin karto amaanka dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in beesha Caalamku ay taageeradeeda dhaqaale ee dowladdan ay shardi uga dhigtay in marka hore ay dawladu ka hawl gasho Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday wasiirku madaxda Soomalida ee Nairobi ku sugan inay toddobaad gudihii ku soo diyaariyaan qorshihii ay ku tegi lahaayeen Soomaaliya.

John Koech ayaa ku nuuxnuuxsaday in mudadii ay Soomalidu ku shirsaneyd dalkiisa uu sii batay hubka sida sharci darada ah lagu soo gelinayo Kenya kaasoo kaga imanaya dhanka Soomaaliya.

Baaqaan ka soo yeeray Mr. Koech ayaa ku soo beegnay maalmo yar kadib markii Madaxwenyah Kenya Mwai Kibaki uu ugu baaqay madaxda Soomaalida ee ku sugan Nairobi iney meesha isaga tagaan oo dalkoodii qabtaan.

Madaxweynha Somaliya Cabdullahi Yusuf ayaa arintaan ay ku cuslaatay isagoo qorshaynayay inuu ciidamo iyo wax isku dubarido oo nabada suga, hase yeeshee qorshihiisaan waxaa qas ku haya niman aqoonyahano soomaaliyeed ee ka soo horjeeda fikrada Dowlada lagu dhisay Kenya qaabkeeda iyo awoodii ku koobnaatay dagaal oogayaasha , sidaa darteed iyagoo adeegsanaya caalamka iyo dowladaha deeqda bixiya ayaa ku dadaalayaan iney sida ugu dhaqsiyaha badan ku kala diraan dowladaan ay hogaaminayaan dagaal oogayaasha , hay'adaha deeqbixiyeyaasha oo bilaabay iney dowlada Kenya ku qasbaan in dib loo celiyo Shacabka iyo dowladoodaba sida ugu dhaqsiyaha badan.

Editor@radiofreesomalia.com







Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | Webmaster@radiofreesomalia.com