Codka Beesha

 



 

C/laahi Axmed Caddoow oo dadaal ugu jira inuu hello Taageeradda
Xildhibaanadda Soomaaliyeed.

Sep 20.2004 Radio Free Somalia (RFS)

C/laahi Axmed Caddoow oo ka mida Musharixiinta Madaxwaynanimadda Somalia ayaa wadda Loolan Adag oo uu ku doonayo inuu ku soo baxo Jagadda
Madaxwaynanimadda Somalia. Iyadoo Shalayna uu Qado Sharaf u sameeyay xubno

ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia.

Caddoow oo ku jira Loolankii ugu dambeeyay ee Madaxwaynanimadda Somalia ayaa Shalay la kulmay Xubno ay ka mid yihiin Jaamac Cali Jaamac, Caasha Axmed Cabdalla, Mawliid Macaane Maxamuud, C/laahi Sifir, Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Col Xasan Shaatigaduud iyo Xubno kale. Waxaana Hadalo ay Xubnahaasi ka jeediyeen Kulankaasi ay ku ayideen Musharaxnimadda C/laahi Axmed Caddoow
.

Jaamac Maxamed Qaalib oo ka hadlay Kulankaasi ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Caddoow uu yahay Siyaasiga kaliya ee mudan xilligan adag inuu
hogaamiyo Somalia. Wuxuuna sheegay in Ragga Sharaxan ay u badan yihiin Dad aan xilligan waxba ka qaban Karin Mushkiladda Somalia.

C/laahi Axmed Cadoow oo isna ka hadlay Kulankaasi ayaa ballanqaaday in haddii la doorto inuu Somalia ku hogaamin doono Tubta Nabadda iyo Dib u Heshiisiinta. Wuxuuna sheegtay in Qof kasta oo Soomaali ah oo ka hor yimaada Dawladiisa inuu ugu tagi doono meel kasta oo uu joogo si uu u qanciyo.

Guddiga u ololeeya Doorashadda C/laahi Axmed Caddoow ayaa Shalay iyagana si rasmiya looga dhawaaqay Kulankii Shalay. Waxaana Guddigaaasi Xubno ka ah C/rashiid Shire Ilqayte, Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” C/salaan Xaaji Axmed Liibaan “Dhabanacad” C/raxmaan Ibbi, iyo Xubno kale.

C/laahi Axmed Caddoow ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiinta loogu hadal haynta badan yahay ee la filayo inay ku soo baxaan Jagadaasi Madaxwaynanimadda Somalia.

Cabdi Casiis M. Guuleed “Afrika”
abdiguuleed@yahoo.com
Mogadishu, Somalia








Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | Webmaster@radiofreesomalia.com