Codka Beesha

 



 

HADABA AAN DIB U FIIRINO TAARIIKH-NOLOLEEDKA MADAXWEYNAHA CUSUB

Oct,11.2004 Radio Free Somalia (RFS)

C/llahi Yuusuf Ahmed waxuu ku dhashay Gaalkacyo Somaaliya bishii disember 1934 kii,Waxuu leeyahay Afar caruur ah waxaanna u dhaxda marwo

Markii uu waxbarashadiisa dugsiga dhexe iyo sare ku dhamaystay soomaaliya, wuxuuna galay kuliyada sharciga ciidamada, markaas kadib ayaa laba sano oo waxbarasho ah loogu diray talyaaniga sanadadii 1954-ilaa 1956.

Bilawgiisii 1960 ayaa hal sanno oo waxbarasho militery ah loogu diray talyaaniga Waxuunna talyaaniga kasoo laabtay ayaa loo dhiibay jagadii ugu horaysay ee militariga isagoo noqday taliyaha police-militaryga ee qaybta 26 aad ee fadhigeedu ahaa Woqooyiga soomaaliya

Madaxweynaha cusub ee soomaaliya c/llahi Yusuf Ahmed ayaa waxbarasho loogu diray dalka Ruushka isagoo galay kuliyadda dagaalka ee militariga bilowgii sanadkii 1965 ilaa 1966 C/llaahi Yusuf ahmed ayaa sidoo kale Sannadkii 1978 waxaa dhacay inqilaabka loo yaqaan Inqilaabkii dhicisoobey' Waxa uu u galay dalka Itoobiya C/llaahi Yusuf Ahmed

Ugu dambayntii lama soo koobi karo taariikhda madaxweynaha cusub ee soomaaliya,oo xalay oo taariikhdu ahayd October 10, kii-dii 2004 loogu doortay C/Laahi Yuusuf Ahmed in uu noqdo madaxweynaha

Waxaanna xalay uu aqlabiyad kaga guulaystay C/llaahi Ahmed Cadow oo isagu ahaa ninkii hadda ka hor la tartamayey madaxweynihii lagu soo dhisay jamhuuriyadda jabuuti ee C/qaasim salaad hassan

Mursal Quulle
Garoonka Kasrani Nairobi







Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | Webmaster@radiofreesomalia.com