Codka Beesha

 



 


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Prof. Ali Mohamed Gedi ayaa kala qeyb galay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika Shir qalabka teleconferensiga

Nov,17.2004 Radio Free Somali (RFS)

Ra'iisul wasaaraha federalka Somalia Prof.Ali Mohamed Ghedi ayaa qalabka isgaarsiinta Teleconferensiga kaga qeybgalayay shir si heer sare loo soo abaabulay. ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda dowlada Federalka Canada iyo xubno ka tirsan baarlamaanka dowlada Canada iyo wakiilo kale, qaar kamida Xildhibaanada dowlada federalka Somalia, aqoon yahano sare ee Soomaaliyeed iyo kuwo kale oo jaamacadaha dalalka Canada iyo Marekanka wax dhiga, Culumaa'udiin, Haween iyo dadweyne aad u fara badan shirkaa oo ka dhacday Hotel Ramada ee wadanka Kanada magaaladiisa Toronto.

shirkaa oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto, Canada uuna xiriirinayay Prof. Ahmed Barkhadle iyo Dr. Dahir M. Araale ayaa waxay fursad weyn u ahayd shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga America iney kula xiriiraan Ra'iisul wasaaraha Prof.Ali Mohamed Gedi qalabka warbaahinta Sataliteka iyo Teleconferensiga , halkaana qudbado iyo talooyinba isku weydaarsadaan.

Ra'iisul wasaaraha oo tusaaleeyay dadweynihii halkaa isuga yimid inuu dalkooda marnaba ka maarmin oo ay kala qeyb qaataan dib u dhiska dhinac walba leh uu dalkooda uga baahan yahay.

Gabagabadii oo ay halkaa wacdaro ka muujiyeen qaar ka mida hoboladii qaranka Waaberi iyo Fanaaniinta Cusub ee ku caanka baxay maaweelinta ayaa soo bandhigay heeso wadani ah.









Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.