|
Saadaal
laga bixinayo Qofka uu C/laahi Yuusuf u magacaabi Doono Ra’iisul
Wasaaraha Somalia.
Oct,13.2004 Radio Free Somalia (RFS)
Inkastoo ay adag tahay in Saadaal laga bixiyo
Qof aan wali Miiska la soo saarin haddana waxaa illaa iyo
hadda socda La Tashiyo uu la leeyahay Madaxwaynaha Cusub ee
Somalia Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo Siyaasiyiin
aan ka mid ahayn Baarlamaanka oo uu kala tashanayo Qofkii
uu umagacaabi lahaa Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka
Somalia.
Xeel Dheerayaasha Siyaasadda Somalia ayaa
sii saadaalinaya in Saddex qof midkood uu u magacaabi doono
Madaxwaynaha Cusub inuu noqdo Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda
Ku Meel Gaarka ah ee Somalia. Waxaana Saddexda Qof ee loogu
hadal haynta badan yahay ay kala yihiin Maxamed Cumar Xabeeb
“Maxamed Dheere”, Xuseen Maxamed Caydiid, iyo
Maxamed Qanyare Afrax.
Inkastoo Jagaddan loo magacaabi karo Siyaasiyiin
aan Saddexdanba ahayn haddana waxay hadal hayntu u badan tahay
in Saddex Nin Midkood loo magacaabi
doono Jagadda Ra’iisul Wasaaraha Somalia. Waxaana Saddexdan
Nin uu mid kastaa Heshiis hoosaad horay ugula galay C/laahi
Yuusuf in haddii uu ku soo baxo Jagaddan inuu u magacaabo
Ra’iisul Wasaaraha Somalia.
Su’aasha taaganse waxay tahay Saddex
Nin mid kastaa Miisaan intee le’eg ayuu ku leeyahay
Gudaha Somalia. Muxuuse soo kordhin karaa haddii xilkan loo
magacaabo. Waxay Dadku ka bixinayaan Fikrado kala duwan. Inkastoo
aanan mid mid u soo xigan doonin Magacyadda Dadka sii odorasaya
Mustaqbalka Siyaasadeed ee Saddexdan Nin waxaan Haddana si
kooban u eegaynaa Awoodooda iyo Miisaankooda Siyaasadeed ee
ay ku dhex leeyihiin Koonfurta Somalia.
Maxamed Dheere.
Maxamed Dheere waxa uu ka mid ahaa Musharixiintii
la tartantay C/laahi Yuusuf ee ku haray Wareegii Koowaad ee
Madaxwaynanimadda Somalia. Waxaana uu ka mid ahaa Golaha SRRC
ee ay Itoobiya taageerto oo C/laahi Yuusuf oo ka mid Xubnihiisa.
Maxamed Dheere waxa uu heshiis hoose billawgii
Shirka kula galay C/laahi Yuusuf inuu u magacaabo Jagadda
Ra’iisul Wasaaraha Somalia haddii uu ku guulaysto Jagadda
Madaxwaynanimadda Somalia. Waxaana Maxamed Dheere laf ahaantiisu
Waraysi uu Habeenkii Xalay ahaa siiyay Iddaacad FM ah oo Jawhar
ku taala ku sheegay inuu rajaynayo inay hogaamiyaan inta ka
dhiman Dawladda mar haddii uu C/laahi Yuusuf ku guulaystay
Madaxwaynanimadda Somalia.
laakiin Rajadii laga qabay in Jagadaasi loo magacaabo Maxamed
Dheere waxaa shaki galiyay markii uu Heshiis la galay C/qaasim
Salaad Xasan intii uu socday Ololaha Musharixiinta Madaxwaynanimadda
Somalia. iyadoo wixii waqtigaasi ka dambeeyay uu Maxamed Dheere
badalay Mawqifkiisa kuna dhawaaqay in Beelaha Hawiye ay Xaq
u leeyihiin inay helaan Jagadda ugu saraysa Somalia. sidaas
darteed Rajadda laga qabi karo in Jagadaasi loo magacaabo
Maxamed Dheere waxaa la oran karaa waa 60%.
Maxamed Dheere Beel ahaan waxa uu ka soo
jeeda mid ka mida Beelaha Awooda ku leh Muqdisho. Waxaana
ay isku beel yihiin Ganacsato Awood leh isla markaana gacanta
ku haya Illo Dhaqaale oo Muhiim ah oo ay ka mid yihiin Abuukar
Cumar Cadaan oo Maamula Dekadda Ceel Macaan, iyo Bashiir Raage
oo Maamula Garoonka Cisaleey. Iyadoo la aaminsan yahay in
haddii uu ku guulaysto Jagadaasi in Maxamed Dheere uu taageeri
ka heli doono Ganacsatadaasi.
Maxamed Dheere waxa uu Maamulaa Qaybo ka
mida Gobalka Shabeeladda Dhexe oo uu ku faano inuu ka dhigay
Goob Nabdoon. Laakiin waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay Nin
Hogaan Ad Adag oo aan ka dabcin Mawqifkiisa. Waxaana Goobaha
uu ka taliyo ay Dadku ka cawdaan Qaabka uu Maamulkiisu u shaqeeyo
iyo Canshuuro Xad Dhaaf ah oo uu ka qaado Dadka ku dhaqan
Deegaanadda uu ka taliyo.
Maxamed Dheere oo haatan Xubin ka ah Baarlamaanka
Federaalka Somalia ayaa haddii aan loo magacaabin Jagadda
Ra’iisul Wasaaraha waxaa la filayaa inuu noqdo Wasiirka
Arrimaha Gudaha. Inkastoo Jagadaasi laftigeeda ay jiraan Siyaasiyiin
kale oo ku haminaysa in loo magacaabo isla markaana ay isku
hayb yihiin Maxamed Dheere.
Xuseen Maxamed
Caydiid.
Xuseen Caydiid Waa Nin Dhalinyaro ah oo Siyaasadda
ku soo biiray markii uu dhintay Aabihii Marxuum Gen Maxamed
Faarax Caydiid. Waxaana uu ku hantay
Mansabka Siyaasadeed ee uu jooga Wadadii uu Aabihiis u jeexay
oo ahaa Hogaamiyaha Koonfurta Muqdisho.
Xuseen Caydiid Waxa uu laf ahaantiisu ka
mid ahaa Musharixiintii ku hartay Wareegii Koowaad ee Tartanka
Madaxwaynanimadda. Waxaana ay taasi Niyad Jabku abuurtay Siyaasiga
Da’da Yar ee isku haystay inuu Xaq u leeyahay Hogaaminta
Dalka Somalia. isla markaana uu Dalka u baahan yahay Hogaamiye
Da’ yar oo Habeen iyo Maalin u soo jeedi kara Xallinta
Mashaakilka ka jiraSomalia.
Xuseen Caydiid waxa uu ka mid yahay Siyaasiyiinta
Heshiis Hoosaadka kula galay C/laahi Yuusuf inuu u magacaabo
Jagadda Ra’iisul Wasaaraha haddii uuku guulaysto Madaxwaynanimadda
Somalia. Waxaana uu ka mid noqday Xubnihii ugu horeeyay ee
taageera Madaxwaynanimadda C/laahi Yuusuf. Isagoo waliba kala
qayb galay Madaxwaynaha Somalia Kulankii uu la yeeshay dhigiisa
Kenya, Mwai Kibaki.
Xuseen Caydiid Beel ahaan waxa uu ka soo
jeeda mid ka mida Beelaha Awooda ku leh Muqdisho. Waxaana
uu Maamulaa Xaruntii hore ee Madaxtooyadda Qaranka,
Wasaaraddii Warfaafinta, Taliskii Ciidanka Booliska iyo Goobo
Istaraatiiji ah. Waana taa midda keeni karta in loo arko Hogaamiye
Muhiim ah oo Muqdisho wax ka tari kara haddii loo magacaabo
Ra’iisul Wasaare.
Laakiin waxaa la aaminsan yahay in Xuseen
Caydiid Awood ku filan inuu helo mooyaanee inuusan lahayn
Diblomaasiyad uu ku kasban karo Taageeradda
Beeshiisa haddii loo magacaabo Jagadaasi. Waxaana Xuseen Caydiid
oo ay isku beel yihiin C/qaasim Salaad Xasan caqabad ku noqon
karta sidii uu uga hor
yimid Dawladii uu Madaxda ka ahaa Ninka ay Beesha Wadaagaan
marna Abtiga ugu aadan. Iyadoo Jufadda C/qaasim iyo Taageerayaashiisu
ay suurtagal tahay inay
ka hor yimaadaan Xukuumad uu horkacayo Xuseen Caydiid. Xuseen
Caydiid waxaa sidoo kale ay Caqabadda ugu wayn ka soo wajihi
kartaa
Ganacsataddii Shirkadda Barakaat Group of
Companies oo Xuseen la aaminsan yahay inuu lahaa Sababtii
lagu xiray kadib markii uu Maraykanka u gudbiyay in Shirkadaasi
ay xiriir la leedahay Urur Waynaha Al-Qaacidda. Waxaana Mr
Caydiid uu u muuqdaa Siyaasi leh Hami Siyaasadeed. Laakiin
Rajadiisa Xilkaasi ku aadan ay le’egtahay 70%. Iyadoo
la aaminsan yahay in haddii Xilkaasi loo magacaabana inuu
ka soo dhalaali karo.
Xuseen Caydiid ayaa haddii uu ku guulaysan
waayo Jagaddan Ra’iisul Wasaaraha waxay dad badan sii
saadaalinayaan in loo magacaabi karo Wasiirka Arrimaha
Dibadda. Waxaana Xuseen Caydiid uu haystaa
Dhalashadda Dalka Maraykanka. Isagoo ka mid ahaa Ciidamadda
Mariiniska Maraykanka kuwooda Kaydka ah. Laakiin wixii ka
dambeeyay markii uu ka goostay Ciidamadda Maraykanka waxaa
yarayd Xiriirka uu lahaa Dawladda Maraykanka.
Maxamed Qanyare.
Maxamed Qanyare Afrax waxa uu ka mid ahaa
Musharixiintii la tartamay C/laahi Yuusuf. Waxaana uu ahaa
Musharixii Saddexaad ee ugu codadka badnaa Wareegii Koowaad.
Isla markaana u gudbay Wareega Labaad kadib markii uu diiday
inuu tanaasulo. Waxaana uu Qanyare la soo baxay Miisaan Siyaasadeed
oo aan horay loo filayn intii lagu guda jiray Tartanka Madaxwaynanimadda
Somalia.
Qanyare ma ahayn Hogaamiyayaasha Xiriirka
wanaagsan la leh C/laahi Yuusuf.Iyadoo tan iyo Billawgii Shirka
uu ka mid ahaa Hogaamiyayaasha Caqabadda ku ahaa Hamiga Siyaasadeed
ee C/laahi Yuusuf. Wuxuuna ka mid ahaa Koox la baxday G-8
oo billawgii Shirka ku bahoobay inay ka hortagaan C/laahi
Yuusuf Laakiin Xilli dambe ayeey Ciyaartu is badashay kadib
markii Maxamed Qanyare
iyo C/laahi Yuusuf ay isaga soo dhawaadeen dhinaca Siyaasadda.Maxamed
Qanyare waxa uu la xulufoobay C/laahi Yuusuf markii ay Saaxibadiis
Muuse Suudi iyo Cusmaan Caato ku biireen Isbahaysi la baxay
Golaha Samata Bixinta Qaranka oo looga dhawaaqay Balcad. Wuxuuna
wixii waqtigaasi ka dambeeyay Qanyare noqday Siyaasiyiinta
ay isku mawqifka yihiin C/laahi
Yuusuf.
Laakiin Waraysi uu bixiyay Maxamed Qanyare
xilliyo Xasaasi ah waxa uu u muuqday Nin aan dhinacna haysan
oo Saaxiibadiisii horana ka horay kuwa cusubna aan la jaanqaadi
Karin. Wuxuuse Qanyare ahaa Siyaasiga kaliya ee Soomaaliyeed
ee ay ku daba faylsantahay Beeshiisa oo dhan. Isla markaana
aysan jirin cid ka daba qaylinaysa.
Maxamed Qanyare ma jiro Heshiis hoose oo
uu horay ula galay C/laahi Yuusuf.
Waxa uuna ahaa Siyaasi Hankiisa uu Runta ka fogaa oo aaminsanaa
in la dooran doono. Waana taa midda keentay inuusan wax heshiis
ah la galin C/laahi Yuusuf marka laga reebo inay ku bahoobeen
Nacaybka Kooxo kale oo ay Siyaasadda isaga soo horjeedeen.
Qanyare waxa uu ka mid yahay Siyaasiyiinta
is bad badalka badan ee hadba Mawqifka qaata. Waxaana is bad
badalkiisa Faraha badan ee ka soo billawday markii uu Cali
Mahdi kala soo goostay Jagaddii uu u magacaabay ee Guddoomiyaha
USC oo uu ku soo biiray Dawladdii Maxamed Faarax Caydiid ay
keentay inuu waayo Isbahaysi iyo Siyaasiyiin si dhab ah u
aamina Ballamada iyo Axdiga uu gallo.
Inkastoo uusan jirin Heshiis la ogyahay oo
qeexaya in Maxamed Qanyare loo magacaabo Ra’iisul Wasaare
haddana heshiis hoose oo Habeenkii Doorashadda
Madaxwaynaha dhex maray isaga iyo C/laahi Yuusuf markii uu
dareemay inuusan
u gudbin Karin Wareega Saddexaad ayaa la rumaysan yahay in
loogu ballanqaaday Qanyare in loo magacaabi doono Ra’iisul
Wasaare haddii uu Codadka Taageerayaashiisa ku biiriyo C/laahi
Yuusuf taasoo keentay in C/laahi Yuusuf uu Aqlabiyad Ballaaran
ku helo Madaxwaynanimadda Somalia. Waxaana Qanyare wixii waqtigaasi
ka dambeeyay soo baxayay Tuhumo muujinaya inuu Xilkaasi isku
diyaarinayo. Inkastoo Waraysi uu BBC-da siiyay uu ku
sheegay in Xil kasta oo loo magacaabo uu ka fiirsan doono.
Taasoo shaki sii galisay Rajadda laga qabay in Qanyare uu
ku soo baxo Jagadaasi.
Maxamed Qanyare Beel ahaan waxa uu laf ahaantiisu
ka mid yahay Beelaha Awooda ku leh Muqdisho. Inkastoo uu ku
kooban yahay Deegaano yar oo Muqdisho ka mida. Haddana waxa
uu leeyahay Ciidan xoogan oo ka amar qaata iyo Goobo
Rasmi ahaan loogu aqoonsan yahay inuu ka
taliyo. Waxa uu Maamulaa Garoonka Dayniile oo ka mida Garoomadda
Macmalka ah ee Diyaaradaha Jaadku ay ka soodagaan.
Ma ahan Deegaanadda uu ka taliyo Qanyare
kuwo Istaraatiijiyad ahaan loogu xilan karo in loo dhiibo
Ra’iisul Wasaare, mana laga fili karo Awood Beeleed
uu Muqdisho uga socod siin karo Dawladda lagu soo dhisayo
Kenya. Waxaase la aaminsan yahay in haddii la doorto uu ugu
yaraan Wax dhaqaajin karo.Gunaanad.
Si kastaba ha ahaatee Jagaddan oo sida aan
Billawgii Qormadaydaba ku sheegay aan loo nisbayn Karin Saddexdan
Siyaasi oo kaliya haddana waa kuwa loogu
hadal haynta badan yahay. Waxaase Hubaal ah in Ra’iisul
Wasaaruhu uu ka soo
dhex bixi doono Beelaha Hawiye Shaqsigii doonaba ha ahaadee.
Madaxwaynaha Cusub oo illaa iyo hadda ay
ku adag tahay Saaxiibadiis sidii uu ugu qaybin lahaa Halka
Jaggo waxaa looga baahan yahay in Shaqsiga uu magacaabayo
uu ka fiiriyo dhinac walba. Mana ahan Arrintu anigaa Warsangali
Abgaal ah oo Muqdisho Maalin ku qaban kara, iyo Anigaa Sacad
ah oo Xafiiskii Madaxwaynaha haya, iyo anigaa Mudan oo Murursade
ah, kaagana hiiliyay Hawiye ee Xuliddu waxay noqon doontaa
mid dad badan lagala tashado oo laga eego Qofka Jagaddan loo
magacaabayo Miisaankiisa Ciidan, Siyaaso, Beeleed, iyo Aqoontiisa
gaarka ah. Waa inuu noqdaa Ra’iisul Wasaaruhu Shaqsi
ka gadmi kara Shacabka Soomaaliyeed iyo Bulsho Waynta Caalamkaba.
Cabdi Casiis M. Guuleed “Afrika”
abdiguuleed@yahoo.com
Mogadishu, Somalia
Radio Free Somalia
Webmaster@radiofreesomalia.com
|