 |
|
WAR
SAXAAFAFEED
Dic,17.2004 Radio Free Somali (RFS)
Ayadoo, dhibaatada dadka iyo dadka haysato,
ay fara badan yihiin, oo afar iyo tobban sanno, dalki qolaba
meel goosatay, Ummadda Soomaaliyeedna, qaar dalka ka qaxay,
oo dhibaato dibedda ku haysato, qaarna dalka gudahiisa qaxooti
ku yihiin ama kuwi dalka ku haray, ay ku sugan yihiin, in
ay noqdaan qaar xabad disho, qaar gaajo, macluul iyo cudur
u dhinta; ayaa waxaa lagama maarmaan ah in leys daba qabto.
Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada
Bariga Afrika Barnaamijkaas oo loogu magac daray: Murtidii
Yamyam, Martigalinta Boosaaso iyo Masrixiyada Jamacada Bariga
Afrika...
Waan la wada socona, Shirki labada sanno
wixi qaladaad ah ee dhacay, qaladaadyadi sida la rabo loogu
fasirtay, Axdigi Qaranka-KMG aha iyo qaladaa dki dhacay, markii
Dowladda la soo dhisay. Waxaan, aaminsanahay, in Ra’iisul
Wasaaraha diyaar u yahay, in uu saxo wixi qalad ah; sida ay
sheegayaan, wararki iga soo gaaray Xildhibaanada Beelaha aan
la kulmay iyo in Madaxweynaha Beesha Darood la kulmay, kula
taliyay, in la taagyeero Ra’iisul Wasaaraha; oo aan
la qabo, waxaanna dhammaan Xildhibaanada Soomaa liyeed ka
codsanaya, in ay siyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub, Codka
Kalsoonida, siaan horay ugu socono.
Waa sahlantahay, si wax la dumiyo, laakin
weey adagtahay in wax la dhiso, yaan dib loo eegin wixi dhacay,
aan wada saxno, arrintana yaan la dhihin, wax shaqsi leeyahay;
hana la fiiriyo waxa dalka iyo dadka u baahan yihiin, ee ah
Dowlad Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaruhuna, waxaan kula
talinaya, in uu badiyo wada tashiga iyo wada hadallada Xildhibaanada,
beelaha iyo Dadweynaha Soomaaliyeed iyo Qaranka Soomaaliyeed,
ayaa ka talintiisa, Ummadda Soomaa liyeed ka wada dhaxeeyo;
dal ama dad si gaar ah, in loo qanciyo, ay waajib tahay, in
ayna jirin. Danta dalka iyo Dadweynaha Soomaaliyeed, ayaa
wax walba ka horeeya. Taa, waxaan ula jeeda, Xildhibaanada
walaaca ka qaba, in Itoobiyaanka ay faraha kula jiraan, arrimaha
Soomaaliya; dowladana ay soo xulayaan, in ayna marnaba suurta
gal noqoneyn. Itoobiya iyo Soomaaliya, waa lagama maarmaan,
in ay yeeshaan, xirrir wax wada qabsi iyo deris wanaag; in
ay noo soo xulaan ciddi Dowladda ka qeyb-galeyso ama fara
gelin arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya, saaxibtinimada kuma
jirto. Sida, caalamka uu qabo, waa in lagu dhaqo Siyaasada
Arrimaha Dibedda ee dalka kasta, Mabaadii’da Dhoowritaanka
iyo Sinaanta Dalalka, oo aan la fara gelin, laguna xadgudbin
Arrimahooda Gudadaha; lana horumariyo Danaha ka dhaxeeyo Dowladaha
deriska ah iyo kuwa Gobolka.
Marka, anigoo aqoon yahan Soomaaliyeed ah,
Ummadda iyo Dalka dembi ka gelin, kana dhashay Beesha Hawiye,
kuna hadli karo magacooda; ayaan, waxaan leeyahay, Xildhibaanadi,
igu yiri “ ABGAAL HA NAGA CODSADO, IN AAN RA’IISL
WASAARAHA, LA DHISNO”, haddana, anoo ku hadlaya, magaca
beesha Mudulood, mar haddii Ra’iisul Wasaarihi dad isku
xigno, ayaan, waxaan ka codsanaya, in Xildhibaanada Soomaaliyeed,
ay nala dhisaan Ra’iisul Wasaaraha, oo ayna nadiidin,
wixi qalad ah ee dhacay, in ay raali ka noqdaan, diyaarna
loo yahay in la saxo.
Dr. Cabdi Maxamed Culusow ‘Black’
drabdi2000@yahoo.com
-------------------------------------------------------
"...anigoo aqoon yahan Soomaaliyeed
ah, Ummadda iyo Dalka dembi ka gelin, kana dhashay Beesha
Hawiye, waxaan ka codsanayaa Xildhibaanada Soomaaliyeed in
ay nala dhisaan Ra’iisul Wasaaraha, oo ayna na diidin,
wixi qalad ah ee dhacay in ay raali ka noqdaan, diyaarna loo
yahay in la saxo...." Dr. Cabdi Maxamed Culusow ‘Black’
| Email: drabdi2000@yahoo.com
-------------------------------------------------------
|
 |