| Gudoomiya
Baarlamaanka iyo Wafdigiisa oo Booqday Xaruntii Madaxtooyada
Soomaliya
Feb,8.2005 Radio Free Somali (RFS)

Wafdigii uu horkacayay guddoomiyaha baarlamaanka
dowladda federaalka kmg ah ee somalia Shariif Xasan sheekh
aadan ayaa maanta booqasho ku tagay xaruntii hore ee madaxtooyada
somalia ee magaalada Muqdisho.
Waxaa wafdiga Shariifka si aad ah u soo dhaweeyay taageerayaasha
isbahaysiga USC/SNA garabka uu hogaamiyo Xuseen Maxamed Caydiid
oo wasiirka arrimaha gudaha ka ah dowladda cusub ee C/laahi
Yuusuf madaxwaynaha ka yahay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa
isna ka mahad celiyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay
isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in ay dib ugu soo
laabtaan madaxtooyadii Soomaaliya ka dib 14 san oo dalku dowlad
la'aan ahaa.
Abuukar Cusmaan Ganay oo ah ku simaha Xuseen
Caydiid oo wafdiga dowladda soo dhaweeyay ayaa sheegay isaguna
in ay ku faraxsanyihiin in ay madaxtooyadii Soomalia muddadii
burburka daryeeleen haddana u soo socoto dowlad Soomaalilyeed
oo uu sheegay marka ay dalka soo cagadhigato in ay ku wareejin
doonaan.
Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdigiisu
ma ahan kuwii ugu horreeyay ee booqda Villa Somalia laakiin
wafdigi arbacadii ina dhaaftay dalka yimid ee guddoomiye ku
xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cusmaan Boqorre hor kacayay
ayaa iyaguna sidoo kale booqday xarunta madxtooyada oo si
wanaagsanna loogu soo dhaweeyay.
Liibaan Cabdi Cali
hayaan_8@hotmail.com
|