| Soomaaliyey:
Ciiddan Shisheeyey Ma Xalbaa?
Jan,27. 2005 Radio Free Somali (RFS )

Mudane:
Cabdulqadir Ali Boolay
Dowladda maanta ka dhallatay soomaaliya waxay
kor u qaadeysaa rajadda ummaddda soomaaliyeed oo muddo fara
badan ku noolaal wal wal iyo noolal xumo , taasoo ay u dheer
tahay dil, dac iyo boob aan geed loogu soo gaban,
Maanta waa ilaahay mahadiis, in aynu leenahay dowladda loo
wada dhan yahay iyo barlamaan, hogaankana u hayo madaxwynaha
aqlabiyadda lagu soo doortay Muddane Cabdullahi Yusuf Axmed
iyo Muddane Prof. Cali Maxmed Geeddi , isla markaas na aynu
leenahay Gole Barlamaan , waxay shacabka soomaaliyeed ay ka
filayaan hogaankaasi cusub in uu ummadda u horseedaan nabad
iyo barwaaqo.
Muddo ka hore waxaan fikrad ahaan aaminsanaa
in shacabka soomaaliyeed uu baahi u qabo in la keeno ciiddan
shisheeye oo awood u leh inuu maleeshiyooyinkii qabyaaladda
ku saleynaa uu hubka ka dhiga, Hase yeeshee ka dib markii
barlamaanka ay ka mid noqdeen hogaamiyaashii shalay diidanaa
dowladdii carte lagu soo dhisay oo manta nasiib u yeeshay
in ay ka mid noqdaan barlamanka iyo dowladda ku meel gaarka
federaalka ah ee lagu soo dhisay magaaladda Nairobi –
Kenya .
Runtii dowladdi carte lagu soo dhisay waxay la socon weysi
aydoo aysan heli ciiddan mideysan , laakiinse dowladda maanta
ka dhalatay waxaan filayaa in ay hogaamiyaasha u wada dhan
yihiin. waxaana shacabka ka rajaynaayaan hogaamiyaashaadi
in ay mideeyaan ciidammadooda oo ay ka agudbaan habkii qabyaaladda
oo ay u gudbaan hab Qaran.
Haddii hogaamiye kasta ciiddankiisa daacad
u noqdo dowladda federaalka soomaaliyeed isla markaasina la
mideeyo oo meel keliya la isugu geeyo ka dibna la sameeyo
ciiddanka qaranka soomaaliyeed , waxaan filayaa in aan loo
baahneyn in ciiddan shisheeye la keeno dalka, .Iyaddoo la
kaashanaaya ciiddankii xooga dalka soomaaliyeed oo weli ku
sugan dalka ka dibna dalka la soo celiyo kala dambeyntii iyo
sharcigii dalka u degsanaa oo la dhaqan geliyo .
Waxa kaliya oo loo baahan yahay in ciiddamadii
iyo boliiskii dalka la uruuriyo oo la mideeyo ka dibna tababar
iyo dhaqan celinba loo sameeyo , kuwa aan ciiddamadda u qalmina
in loo abuuro ilo dhaqaale .
Waxaan rumeysanahay in dhaqaalah ku bixi kara ay ka yaaran
doonoto dhaqaalaha maanta loo gurbaan tumaaya in ciiddan shisheeye
dalka la keeno , runtii dhaqaalahaasi shisheeyaha ku baxaaya
waxaa u baahan ummadda soomaaliyeed.
Haddii intaasi la helo, waxaan aaminsanahay
in ay ku filan ciiddamada dalkeyna iyagoo gacan buuxda ka
helaya shacbiga soomaaliyeed oo ku kalsoon ciidankoodda .
Sidaasi darteed loo ma baahna in dowlada ay isku mashquuliso
keenis dalka ciiddan shisheeye ,maxaa yeelay dhibaato iyo
xanuunba intii hore ayaa ugu filan., manta shacabka soomaaliyeed
diyaar uma ah inuu boogtii hore oo aan bogsonin in mid kale
loo geysto isla markaasina caqabad ku noqdo horumarka shacabka
soomaaliyeed
Ciiddan shisheeye xal ma u noqon karaa shacabka
soomaaliyeed ?,
Talaabo kasta oo la qaado waxaa loo baahan yahay in laga fiiriyo
: “faa’iidada iyo qaraadada ay la imaan karaan
ciiddankaasi shisheeye”
? Haddii loo arko in ay faa’iiddada
ay ka badan tahay qasaarooyinka ay shacabka u geesan karaa,
markaasi waxaa haboon in ciiddan shisheeye la keeno dalka,
? Haddii qasaarooyinka ay la imaan karaan ay badan tahay waxaa
dhab ah in aan loo baahneeyn in la keeno ciiddan shisheeye.
Haddii labadaasi miisaan aan tixraaco tusaale
u soo qaato sannadkii 1941 iyo wixii ka dambeeyey oo Ingriiska
dagaalkii labaad ee adduunka oo talyaaniga ka guuleysti, British
Military Admistration oo soomaaliya gacanta ku dhigay , wuxuu
dalka keenay ciiddamo Africaan ah oo ka kala socday wadamadii
uu gumeysan jiray sida Keyna , Uganda iyo Tanzania , ciidankaasoo
la oran jiray Royal Militray Force oo dalka soomaaliya la
keenay
Ciidankaasoo shacabka soomaaliyeed ay kala
kulmeen dhibaatooyin tira badan , taasoo shacabka soomaaliyeed
u arkaayey in awood u lahayn in ay ka hortagaan ciiddamadaasi
hase yeeshee dhallinyaraddii wagaasi waxay isku dayeen in
habeen kasta ay ugaarsadaan askartaasi iyagoo adeegsanaayey
tooray , waa hubka kaliya ay haysteen oo ay kaga hortagi kareyn
ciiddamaadaasi .Maamulkii militrayiga wuxuu dalka ku soo rogay
Bandow si loo suga amaanka dalka, muddo ka dib maamulkaasi
wuxuu abuuray ciiddamo soomaaliyeed oo la oran jiray JANDAARMARI
, oo ku baahay dalka oo dhan , si shacabka soomaaliyeed ay
ugu adeegaan isla markaasi na ay ilaaliyaan nabad geliyada
magaalooyinka , muddo ka dib ciidamadaasi ayaa hantay maamulka
nabadsugidda dalka ciiddamadii shisheeyana dib ayaa loogu
celiyey meelihii laga keenay
Qofkii damiir leh: waxaa tusaale nagu filan
dhibaatooyinkii ay u geysteen meelihii loo geeyey in ay ammanka
sugaan sida dalalka Siera Lione iyo Libery iyo Congo,
Waxaynu ka warqabaan dhihbaatooyinka ay u geesanyaan shacabka
dalalkaasi , gaar ahaan dhalaankii musqabalka dalalkaasi in
ay ku dhuleystaan iyagoo isticmaalaya awood military iyo dhaqaale
.
maxaa yeelay haddii ay dal ka dhacaan dagaal sokeeye waxaa
hubaal ah in dhaqaalihiisi uu burburaayo noolasha shacbigu
na ay hoos u dhaceyso baahi badan na ay soo food saareyso
taasoo ay qoys kasta ba uu raali naayo sidii u badbaanin lahaa
qoyskiisa iyo sidii u heli lahaa ilo dhaqaale si kasta ay
ku timaado .
Mid kale haddii aan tusaale kale u soo qaato (raadkiisi ay
weli qoyan yihiin) waxay jiray sannadkii 1993 in dalka la
keenay ciidda fara badan oo hogaanka u haayo dalka maanta
lagu tilmaamo quwadda adduunka ugu weyn – U.S.A. (supper
power) , hase yeeshee waxay xal u heli waayeen in ay nabad
ku soo dabaalaan soomaaliya, isla markaasina ay hubka ka dhigaan
maleeshiyooyinkii magaaladda isku haystay, sidaasi darted
maalin cad ayay ka dhaqaaqeeyn soomaaliya.
Waxaa horay loo yiri, “taladaan la
ruugin waa lagu rafaadda”waxaan kula talin lahaa dowladda
cusub in ay ka fakarto arrimaha aan kor ku soo xusay, maxaa
yeelay maanta baahi weyn uma qabaan shacabka soomaaliyeed
in loo keeno ciiddan shisheeye oo berito halis u ah in ay
waddankeena keenaan cuduro iyo fisqi , taasoo burburin karta
jiilka maanta soo koraya .
Waxaa loo baahan yahay in tusaale ku dayasho
muddo in ay u noqoto hogaamiyaashii shalay isku haystay dalka
oo manta ka mid noqdday dowaladda ku meel gaarka federaalka
soomaaliyeed ballan qaadyaddii dhawaan uu bixiyey Muddane
Xussein Maxamed Caydiid, ahna wasiirka arrimaha guddah in
uu ciidankiisa iyo goobta uu haysto sida Villa Somalia uu
ku wareejin doono dowladda cusub, sidaasi darteed hogaamiyaasha
kale waxaa la gudboon in ay tusaalahaasi geesinimadda leh
uu muujiyey in ay ku daydaan oo ciidamadooda ku wareejiyaan
dowladda si loo helo ciiddan qaran oo ka fiyow qabyaalad.laga
gudbo colaada oo loo gudbo nabad, isla markaasina loo gudbo
dib u dhiska dalka .Sida Dekedda iyo Airport ka iyo maalaha
oo ah hantidda qaranka lagu wareejiyo dowladda , taasoo sahleysa
horumarinta dhaqaalaha iyo is aaminaadda hogaamiyaasha dhexdooda
maadaama ay maanta ka mid yihiin hogaamiyaasha qaranka .
Haddii laga helo daacadnimo iyo is aaminaad
hogaamiyaasha dhexdooda waxaa hubaal ah in aan loo baahneen
in dalka la keeno ciiddan shisheeye oo kharaj fara badan ku
baxa oo dadka iyo dalka dib u dhiskiisa u baahan .Waan in
la ogaadda in kharajka ku baxa ciiddamaasi ay deyn dusha u
saran ay tahay shacabka soomaaliyeed .
Waxaan kula talin lahaa dowladda cusub in ay muhimadda weyn
siiso sidii loo soo ururin lahaa ciiddankii xooga dalka soomaaliyeed
(oo si ku tala gal ah loo burburiyey markii la yiri ciiddankii
qaranka soomaaliya ku faani jirtay - ha isku dhiibeen jabhadaha
dalka qabsaday) iyo in la mideeyo malieeshiyooyinka kala duwan.
Dhaqaale na loo raadiyo si ay u howl galaan , waxaan aaminsanahay
in dhaqaale haddii loo helo oo ay hawshoodda si hufan u gudan
doonaan maxaa yeelay iyaga fahmi kara dadkoodda hase yeeshee
shisheeye dibadda laga keenay oo aan isku dhaqan ahayn ma
dareemi karo xanuunka shacabka soomaaliyeed balse waxaa laga
yaabaa dhibaatooyinkii horay u jiray in ay si kordhiyaan.
Runtii dowlad aan ciiddan lahay ma dhisanto
, waa in ay dowladda ku tashataa dadkeed oo aysan ku tashanin
dad dibadda uga yimaado
sidaasi darteed waxaa lama huraan ah in dib loo soo unkamo
ciidankii aminga sugi lahaa , waxaa kale oo xusid mudan in
ay dowladda dib u soo celiso kaabooyinkii dhaqaalaha dalka
ku dhisnaa , si looga baxo baahidda jirta .
Shacbka soomaaliyeedna waxaan kula dardaarmayaa in ay tageeraan
dowladda manta inoo dhaltay si looga gudbo dowlad la’aanta
ina heysata 14 sannadood . Taasoo ay kaliftay in dad fara
badan ay qaxooy ahaan ku nool yihiin dhul aysan cimilooyinkiis
aqoonin oo baahi weyn u qaba in ay dalkoodda ku soo laabtaan..
Intaasi waxaa ba ka sii daran ubaddka fara badan ee manta
dibaddah kuwada dalanayaa dalalka shisheeye, ubadkaasoo halis
u ah in ay lumiyaan haybtii soomaalinimo, maxaa yeelay siyaasadda
ka dambeysa in soomaali fara badan ay qaataan jinsiyo kala
duwan waxay salka ku haysaa ama ujeeddada ka dambeysa ay tahay
ubadaasi in gacanta lagu dhigo oo ay la yimaadaan dhaqamo
kala duwan , dhaqankii subanaa ka tagaan .
Waxaa kale oo halis ah ku milmiyadda ay dadkeeni ku milmaayaan
(integration) dad aysan isku dhaqa ba wadaagin , taasoo dambigeeda
dusha aan ka saaraya dadkii shacabka soomaaliyeed barakiciyey
Sidaasi darteed hogaanka cusub waxaan ku
boorinayaa in ay u turaan shacabka soomaaliyeed oo ku kala
dhibaateysan guddaha dalka iyo dibaada ba , si loo babaadiyo
ubaddaka manta ku dhalanaya wadamadda shisheeye in aysan luminin
haybta soomaalinimo iyo muslinimadda dadka soomaaliyeed ku
soo barbaareen.
Abdulkadir Ali Bolay
Email: bollay@hotmail.com
|