Codka Beesha

 



 

Soomaaliyey: Ciiddan Shisheeyey Ma Xalbaa?

Jan,27. 2005 Radio Free Somali (RFS )

Mudane: Cabdulqadir Ali Boolay

Dowladda maanta ka dhallatay soomaaliya waxay kor u qaadeysaa rajadda ummaddda soomaaliyeed oo muddo fara badan ku noolaal wal wal iyo noolal xumo , taasoo ay u dheer tahay dil, dac iyo boob aan geed loogu soo gaban,
Maanta waa ilaahay mahadiis, in aynu leenahay dowladda loo wada dhan yahay iyo barlamaan, hogaankana u hayo madaxwynaha aqlabiyadda lagu soo doortay Muddane Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Muddane Prof. Cali Maxmed Geeddi , isla markaas na aynu leenahay Gole Barlamaan , waxay shacabka soomaaliyeed ay ka filayaan hogaankaasi cusub in uu ummadda u horseedaan nabad iyo barwaaqo.

Muddo ka hore waxaan fikrad ahaan aaminsanaa in shacabka soomaaliyeed uu baahi u qabo in la keeno ciiddan shisheeye oo awood u leh inuu maleeshiyooyinkii qabyaaladda ku saleynaa uu hubka ka dhiga, Hase yeeshee ka dib markii barlamaanka ay ka mid noqdeen hogaamiyaashii shalay diidanaa dowladdii carte lagu soo dhisay oo manta nasiib u yeeshay in ay ka mid noqdaan barlamanka iyo dowladda ku meel gaarka federaalka ah ee lagu soo dhisay magaaladda Nairobi – Kenya .
Runtii dowladdi carte lagu soo dhisay waxay la socon weysi aydoo aysan heli ciiddan mideysan , laakiinse dowladda maanta ka dhalatay waxaan filayaa in ay hogaamiyaasha u wada dhan yihiin. waxaana shacabka ka rajaynaayaan hogaamiyaashaadi in ay mideeyaan ciidammadooda oo ay ka agudbaan habkii qabyaaladda oo ay u gudbaan hab Qaran.

Haddii hogaamiye kasta ciiddankiisa daacad u noqdo dowladda federaalka soomaaliyeed isla markaasina la mideeyo oo meel keliya la isugu geeyo ka dibna la sameeyo ciiddanka qaranka soomaaliyeed , waxaan filayaa in aan loo baahneyn in ciiddan shisheeye la keeno dalka, .Iyaddoo la kaashanaaya ciiddankii xooga dalka soomaaliyeed oo weli ku sugan dalka ka dibna dalka la soo celiyo kala dambeyntii iyo sharcigii dalka u degsanaa oo la dhaqan geliyo .

Waxa kaliya oo loo baahan yahay in ciiddamadii iyo boliiskii dalka la uruuriyo oo la mideeyo ka dibna tababar iyo dhaqan celinba loo sameeyo , kuwa aan ciiddamadda u qalmina in loo abuuro ilo dhaqaale .
Waxaan rumeysanahay in dhaqaalah ku bixi kara ay ka yaaran doonoto dhaqaalaha maanta loo gurbaan tumaaya in ciiddan shisheeye dalka la keeno , runtii dhaqaalahaasi shisheeyaha ku baxaaya waxaa u baahan ummadda soomaaliyeed.

Haddii intaasi la helo, waxaan aaminsanahay in ay ku filan ciiddamada dalkeyna iyagoo gacan buuxda ka helaya shacbiga soomaaliyeed oo ku kalsoon ciidankoodda . Sidaasi darteed loo ma baahna in dowlada ay isku mashquuliso keenis dalka ciiddan shisheeye ,maxaa yeelay dhibaato iyo xanuunba intii hore ayaa ugu filan., manta shacabka soomaaliyeed diyaar uma ah inuu boogtii hore oo aan bogsonin in mid kale loo geysto isla markaasina caqabad ku noqdo horumarka shacabka soomaaliyeed

Ciiddan shisheeye xal ma u noqon karaa shacabka soomaaliyeed ?,
Talaabo kasta oo la qaado waxaa loo baahan yahay in laga fiiriyo : “faa’iidada iyo qaraadada ay la imaan karaan ciiddankaasi shisheeye”

? Haddii loo arko in ay faa’iiddada ay ka badan tahay qasaarooyinka ay shacabka u geesan karaa, markaasi waxaa haboon in ciiddan shisheeye la keeno dalka,
? Haddii qasaarooyinka ay la imaan karaan ay badan tahay waxaa dhab ah in aan loo baahneeyn in la keeno ciiddan shisheeye.

Haddii labadaasi miisaan aan tixraaco tusaale u soo qaato sannadkii 1941 iyo wixii ka dambeeyey oo Ingriiska dagaalkii labaad ee adduunka oo talyaaniga ka guuleysti, British Military Admistration oo soomaaliya gacanta ku dhigay , wuxuu dalka keenay ciiddamo Africaan ah oo ka kala socday wadamadii uu gumeysan jiray sida Keyna , Uganda iyo Tanzania , ciidankaasoo la oran jiray Royal Militray Force oo dalka soomaaliya la keenay

Ciidankaasoo shacabka soomaaliyeed ay kala kulmeen dhibaatooyin tira badan , taasoo shacabka soomaaliyeed u arkaayey in awood u lahayn in ay ka hortagaan ciiddamadaasi hase yeeshee dhallinyaraddii wagaasi waxay isku dayeen in habeen kasta ay ugaarsadaan askartaasi iyagoo adeegsanaayey tooray , waa hubka kaliya ay haysteen oo ay kaga hortagi kareyn ciiddamaadaasi .Maamulkii militrayiga wuxuu dalka ku soo rogay Bandow si loo suga amaanka dalka, muddo ka dib maamulkaasi wuxuu abuuray ciiddamo soomaaliyeed oo la oran jiray JANDAARMARI , oo ku baahay dalka oo dhan , si shacabka soomaaliyeed ay ugu adeegaan isla markaasi na ay ilaaliyaan nabad geliyada magaalooyinka , muddo ka dib ciidamadaasi ayaa hantay maamulka nabadsugidda dalka ciiddamadii shisheeyana dib ayaa loogu celiyey meelihii laga keenay

Qofkii damiir leh: waxaa tusaale nagu filan dhibaatooyinkii ay u geysteen meelihii loo geeyey in ay ammanka sugaan sida dalalka Siera Lione iyo Libery iyo Congo,
Waxaynu ka warqabaan dhihbaatooyinka ay u geesanyaan shacabka dalalkaasi , gaar ahaan dhalaankii musqabalka dalalkaasi in ay ku dhuleystaan iyagoo isticmaalaya awood military iyo dhaqaale .
maxaa yeelay haddii ay dal ka dhacaan dagaal sokeeye waxaa hubaal ah in dhaqaalihiisi uu burburaayo noolasha shacbigu na ay hoos u dhaceyso baahi badan na ay soo food saareyso taasoo ay qoys kasta ba uu raali naayo sidii u badbaanin lahaa qoyskiisa iyo sidii u heli lahaa ilo dhaqaale si kasta ay ku timaado .


Mid kale haddii aan tusaale kale u soo qaato (raadkiisi ay weli qoyan yihiin) waxay jiray sannadkii 1993 in dalka la keenay ciidda fara badan oo hogaanka u haayo dalka maanta lagu tilmaamo quwadda adduunka ugu weyn – U.S.A. (supper power) , hase yeeshee waxay xal u heli waayeen in ay nabad ku soo dabaalaan soomaaliya, isla markaasina ay hubka ka dhigaan maleeshiyooyinkii magaaladda isku haystay, sidaasi darted maalin cad ayay ka dhaqaaqeeyn soomaaliya.

Waxaa horay loo yiri, “taladaan la ruugin waa lagu rafaadda”waxaan kula talin lahaa dowladda cusub in ay ka fakarto arrimaha aan kor ku soo xusay, maxaa yeelay maanta baahi weyn uma qabaan shacabka soomaaliyeed in loo keeno ciiddan shisheeye oo berito halis u ah in ay waddankeena keenaan cuduro iyo fisqi , taasoo burburin karta jiilka maanta soo koraya .

Waxaa loo baahan yahay in tusaale ku dayasho muddo in ay u noqoto hogaamiyaashii shalay isku haystay dalka oo manta ka mid noqdday dowaladda ku meel gaarka federaalka soomaaliyeed ballan qaadyaddii dhawaan uu bixiyey Muddane Xussein Maxamed Caydiid, ahna wasiirka arrimaha guddah in uu ciidankiisa iyo goobta uu haysto sida Villa Somalia uu ku wareejin doono dowladda cusub, sidaasi darteed hogaamiyaasha kale waxaa la gudboon in ay tusaalahaasi geesinimadda leh uu muujiyey in ay ku daydaan oo ciidamadooda ku wareejiyaan dowladda si loo helo ciiddan qaran oo ka fiyow qabyaalad.laga gudbo colaada oo loo gudbo nabad, isla markaasina loo gudbo dib u dhiska dalka .Sida Dekedda iyo Airport ka iyo maalaha oo ah hantidda qaranka lagu wareejiyo dowladda , taasoo sahleysa horumarinta dhaqaalaha iyo is aaminaadda hogaamiyaasha dhexdooda maadaama ay maanta ka mid yihiin hogaamiyaasha qaranka .

Haddii laga helo daacadnimo iyo is aaminaad hogaamiyaasha dhexdooda waxaa hubaal ah in aan loo baahneen in dalka la keeno ciiddan shisheeye oo kharaj fara badan ku baxa oo dadka iyo dalka dib u dhiskiisa u baahan .Waan in la ogaadda in kharajka ku baxa ciiddamaasi ay deyn dusha u saran ay tahay shacabka soomaaliyeed .
Waxaan kula talin lahaa dowladda cusub in ay muhimadda weyn siiso sidii loo soo ururin lahaa ciiddankii xooga dalka soomaaliyeed (oo si ku tala gal ah loo burburiyey markii la yiri ciiddankii qaranka soomaaliya ku faani jirtay - ha isku dhiibeen jabhadaha dalka qabsaday) iyo in la mideeyo malieeshiyooyinka kala duwan. Dhaqaale na loo raadiyo si ay u howl galaan , waxaan aaminsanahay in dhaqaale haddii loo helo oo ay hawshoodda si hufan u gudan doonaan maxaa yeelay iyaga fahmi kara dadkoodda hase yeeshee shisheeye dibadda laga keenay oo aan isku dhaqan ahayn ma dareemi karo xanuunka shacabka soomaaliyeed balse waxaa laga yaabaa dhibaatooyinkii horay u jiray in ay si kordhiyaan.

Runtii dowlad aan ciiddan lahay ma dhisanto , waa in ay dowladda ku tashataa dadkeed oo aysan ku tashanin dad dibadda uga yimaado
sidaasi darteed waxaa lama huraan ah in dib loo soo unkamo ciidankii aminga sugi lahaa , waxaa kale oo xusid mudan in ay dowladda dib u soo celiso kaabooyinkii dhaqaalaha dalka ku dhisnaa , si looga baxo baahidda jirta .
Shacbka soomaaliyeedna waxaan kula dardaarmayaa in ay tageeraan dowladda manta inoo dhaltay si looga gudbo dowlad la’aanta ina heysata 14 sannadood . Taasoo ay kaliftay in dad fara badan ay qaxooy ahaan ku nool yihiin dhul aysan cimilooyinkiis aqoonin oo baahi weyn u qaba in ay dalkoodda ku soo laabtaan.. Intaasi waxaa ba ka sii daran ubaddka fara badan ee manta dibaddah kuwada dalanayaa dalalka shisheeye, ubadkaasoo halis u ah in ay lumiyaan haybtii soomaalinimo, maxaa yeelay siyaasadda ka dambeysa in soomaali fara badan ay qaataan jinsiyo kala duwan waxay salka ku haysaa ama ujeeddada ka dambeysa ay tahay ubadaasi in gacanta lagu dhigo oo ay la yimaadaan dhaqamo kala duwan , dhaqankii subanaa ka tagaan .
Waxaa kale oo halis ah ku milmiyadda ay dadkeeni ku milmaayaan (integration) dad aysan isku dhaqa ba wadaagin , taasoo dambigeeda dusha aan ka saaraya dadkii shacabka soomaaliyeed barakiciyey

Sidaasi darteed hogaanka cusub waxaan ku boorinayaa in ay u turaan shacabka soomaaliyeed oo ku kala dhibaateysan guddaha dalka iyo dibaada ba , si loo babaadiyo ubaddaka manta ku dhalanaya wadamadda shisheeye in aysan luminin haybta soomaalinimo iyo muslinimadda dadka soomaaliyeed ku soo barbaareen.

Abdulkadir Ali Bolay
Email: bollay@hotmail.com



Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Radio Free Somalia






Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.