Codka Beesha

 



 

Guurtida Hawiye oo Taageertay Xukuumadda R/W Geeddi.

Feb,27. 2005 Radio Free Somalia( RFS)

Afar Soomaali ah ayaa maalinimadii Khamiista ku dhintay gudaha Badda Cas kadib markii dooni ay saarnaayeen ay biyuhu hafiyeen.

Doonta gadoontay oo lagu magacaabo " Faaris Alcarab" oo laga lahaa dalka Yaman ayaa ka soo ambabaxday dekedda Jabuuti iyadoo ku sii jeeday dekedda Mukha ee Yaman, waxayna doonidani siday badeecado ay kamid yihiin, zanjabiil iyo xoolo nool oo isugu jiray ari iyo lo'.


Afarta Soomaalida ah ee dhintay ayaa kamid ahaa shaqaalihii doonta, waxayna wararka ka imaanaya magaalada Sanca sheegayaan in rag kalluumeysato ah oo u dhashay dalka Yaman ay heleen meydka labo kamida Afartii Soomaalida aheyd ee dhimatay iyadoo tan iyo maalintii Jimcada aheyd lagu guda jiray barista meydka labadii kale.


Sababta ay doontani biyaha u hafiyeen ayaa lagu sheegay in doontu aheyd mid gabawday oo duuga, isla markaana ay labada dhinac midkood ku laheyd daldaloolo, taasoo keentay in biyuhu ka soo buuxsamaan gudaha doonida ilaa ay ugu dambeyntii maasheeyeen dadkii iyo badeecadii saarneyd.


Dhacdooyinka noocan ayaa ku badan xeebaha dalka Yaman gaar ahaan xeebaha galbeed ee dalkaas, iyadoo taa sababteedu tahay doomo wada dad tahriib ah oo inta badan ka hawlgala xeebahakan.


editorial@radiofreesomalia.com









Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.