Codka Beesha

 



 

Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD oo beesha caalamka u jeediyay baaq ku aadan Soomaaliya

Jan ,10.2004 Radio Free Somalia (RFS)

Wasiiradda arrimaha dibadda IGAD ayaa beesha Caalamka ugu baaqay inay gacan ka geysato fulinta iyo dhaqan gelinta heshiisyada dib u heshiiisiinta ee laga gaaray dalalka Soomaaliya iyo Suudaan.

Wasiirada IGAD oo shir ku yeeshay magaalada Niarobi shir madaxeed aan caadi ahayn oo madaxda IGAD ku yeelan doonto Nairobi musaabadda saxiixa heshiiska Suudaan darteed ayay wasiirada ku baaqeen loo baahan yahay taageero dhinaca diblomaasiyadda, siyaasadda, farsamada iyo dhaqaalaha ah oo loogu yabooho dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo Suudaan wuxuuna qodobkan ka mid ahaa war murtiyeed ay 7-da wasiir arrimo dibadeed ka soo saare-en magaalada Niarobi shalay.

Hogaamiyeyaasha dalalka IGAD ayaa dhammaantood iyaguna isugu tegay Nairobi saxiixa heshiiska Suudaan, waxaana la filayaa inay shir ka yeeshaan arrimaha Suudaan iyo Soomaaliya, ba-aqna u jeediyaan beesha caa-lamka iyagoo ka codsanaya inay taageeraan labada dal ee colaadaha sokeeye ka baxaya.

Webmaster@radiofreesomalia.com








Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | Webmaster@radiofreesomalia.com