Codka Beesha

 



 

Maxkamad military oo xukuntay in Matchee uusan ka bixi karin dacwad iyo Maxkamad.

Sep 26.2004 Radio Free Somali (RFS)

Waa cadayn marag ma doonta ah waxa lagu hayo askari hore ee ka tirsanaa ciidamada Airborne ee dalka Canada , ka dib markuu askariga lagu magacaabo Matchee uu u gaystay jirdil iyo faroxumayn ka dibna dilay wiil yar oo Soomaaliyeed da’diisuna ahayd 16 jir.

Arintu waxay u muuqataa wax aan la jeclaysan, ka dib markii uu Clayton Matchee falkaa xun kula kacay sanadkii 1993 wiilka yar ee Soomaaliyeed ee lagu magaabo Shidane Caroone .

Sanadkii 1993kii bishii March ayaa Baseka militariga Canadianka waxaa laga helay maydka Shidane caroone , sawiro halkaa laga helay ayaa waxay cadeeynayeen in loo gaystay jirdil, faraxumayn iyo in indhaha maro lagaga xiray ka dibna bistolad madaxa lagaga dhuftay,

Canadianka oo halkaa loo geeyay arimo nabadeed inay ka shaqeeyaan (peacekeeping) ka dib markuu falkaa ku cadaaday waxaa ku dhacay fadeexad aad u weyn dowlada Canada iyo ciidamadeeda nabad ilaalinta.
Fadeexadaa soo gaartay dowlada Canada ayaa sababtay in askariga lagu magacaabo Clayton Matchee iyo todoba askari oo kale maxkamad militari la horkeeno, laguna soo oogo fal dembiyeedyo ulakac dil, iyadoo ay maxkamadii ku xukuntay ninka kale ee lagu magacaabo Keyle Brown shan sano oo xarig ah , ka dib markay ku cadaadeen dembiyada ah jir dil iyo dil inuu u gaystay isana dhalinyaro kale ee Soomaaliyeed.

Ninka lagu magacaabo Matchee ee dilka iyo faraxumayntaba u gaystay Shidane Caroone ayaa isku dayay inuu is daldalo xabsiga gudihiisa, kadib markuu ogaaday iney ku cadaanayaan dembiyada lagu soo oogay, loona hayo wax marag madoonto ah.
In kastoo aysan u suurta galin inuu nafta iska qaadoo ka dib markii ay ilaaladii xabsiga ka soo gaareen xarigiina ka fureen , nasiiba daro dhaqaatiirtii waxay lee yihiin inuu Mr. Matchee uu gaaray dhaawac maskaxeed (brain damage) oo ay maskaxdiisa la mid tahay maskax shan jir oo kale .
Arintaan ayaan maxkamadi xukumi karin iyadoo weliba askarigaa cadaymo marag madoonta ah lagu hayo, sababtoo ah waxay dhaqaatiirtu ilaa iyo hada cadaynayaan in askarigaa uusan soo hor istaagi karin maxkamad , maadaama uu yahay nin jiran ee dhimirkiisa aan kaamil ahayn.

Cadaynta caadifmaad kadib waxay maxkamadii xukmisay in la sii daayo Mr. Matchee sanadkii 1995kii ilaa hada hadana wuxuu ku sugan yahay cusbitaalka dadka madaxa la’ ee magaalada North Battleford, Saskatchewan.
Goortii xabsiga laga siidaayay Matchee ilaa hada waxaa maxkamada la horkeena labadii sanaba mar , madaama ay dambi oogayaasha ay dambi cad ku hayaan.
Lawyerka difaaca ayaa yiri arintaan waxay daal iyo dhib u gaysatay familka Matchee gaar ahaan Mrs. Matchee iyo weliba ka qaracsan dhibta haysata wiilkeeda uu hadana weli sidaa maxkamad ku sii hor istaagayo.

Matchee hooyadiis oo aad ugu ooyday maxkamada horteeda , ka dib markuu xeer ilaaliyaha maxkamada militariga yiri dembigaan waxaan ku haynaa wax cad oo marnaba dacwadaan ma xirmaysoo siduu doonaba ha ahaadee dembilahaan , isagoo markaa ula jeeda xaladiisa caafimaad.
Dacwadani waxay u muuqataa mid aad u adag maxaa yeelay maxkamada sare waxay qabtaa in dadka leh jiro aanan laga kacaynin inaan dembiyadooda la haynin abadiyan , halka maxkamada militariga ay ka leedahay waa in dembiyada dadka noocay doonaan ha ahaadeene dembiyadooda aanan la sii dayn ilaa ay ka dhintaan.

Sharciyadaan u kala degsan labadaan Maxkamadood ee militariga iyo tan sare ee dalka Canada ayaa hada waxaa loo gudbiyay Barlamanka federalka dowlada Canada , waxayna arintaan go’aan ka gaari doonaan sanadka 2005 bisha June.
Taa wuxuu micnaheedu yahay in Mr. Matchee ay u harsan tahay hal maxkamad kale uu hor yimaado , waa hadii ay sharciga cusub ay soo saari doonaan baarlamanka Canada uu go’aamiyo in dadka jiran maxkamadaha laga cafiyo.

Waxaa nasiib daro ah in ilaa iyo hada aan la helin Somali ka danqada ama daba gala falka wiilashii da’da yaraa ee Soomaaliyeed ee jir dil, faraxumeyn iyo dilka loogaystay maadaama ay dalka Canada ku nool yihiin in ka badan dad gaaraya shan boqol kun oo Soomaaliyeed , maadaama ay wiilashii dembiyada gaystay dadkoodii ay ku dadaalayaan iney wiilashooda dembiga ka tirtiraan kiiskana gaarsiiyay ilaa iyo heer dastuurka wadanka waxa ku qoran in wax laga badalo.
Arintaan waxaa sabab u ah inaan ladaba gelin waa laba arimood mid waa dowlad la’aanta ka jirta dalkeena oo aan wax safiiro ama councilors oo aaan ku lahayn dalka Canada tan labaad waa Communitiyada xun xun ee aan midaysnayn ee ka jira qurbaha meel kastoo ay Somali joogto.
Waxaan lee yahay gabagabadii Shidane Caroone iyo dhalinyaradii kale ee lawada fara xumeeyay dabadeedna la dilay in ilaah naxariistii jano ha idinka waraabiyo, kuwii dembigaa idinka galayna aad la sugtaan caadilka iyo maalinta qiyaame.

Muse Kulow


Admin@radiofreesomalia.com









Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | Webmaster@radiofreesomalia.com