| Dahir
Riyaale- la mood noqonse waa!
(
Hassan Warankulule)
Aug,20.2004 Radio Free Somali (RFS)
Waxaa la filayay in madaxweyne Riyaale intaan
dhaamo oo sidan ka fiican yahay. Inkastoo uu aad uga fiican
yahay gacan ku dhiiglayaashii SNM hadana ma gaarin hogaamiye
fiican oo effective ah. Waa ka muuqataa inuu qibrad ka helay
la shaqayntii dawladdii qarankii Soomaaliyeed ee duntay. Dadka
waxay isweydiinayaan maxaa Riyaale aamusiyay oo ka dhigay
in uu ku tiirsanaado af hayeen. ma waxaa la tagay tababarkii
hore ee ahaa NSS kaasoo ahaa sir ilaalin ama wax qarin ama
siday ka noqotay. SSDF iyo SNM waxa ay isaga mid ahaayeen
qabiil adeegsiga iyo ardayda, reer miyiga oo ay duufsadeen.
SNM ayadaa casuumaad u dirtay dawladdii oo car carisay oo
sababtay in dawladdu ayadoo sharciga caalamiga ee ciribtirka
insurgents isticmaalaysa kula dagaasho magaalooyinka dhexdooda.
SNM waxay ogayd in aanay ku aadi karin dawladda ee waxay gadaal
ka mareen haweenka iyo caruurta.
SNM waxaa ay u maleeyaan shacbiga isaaq ee
masaakiinta ah ay aamini doonaan in dawladdu iska maagtay
ayadoon la taataaban balse shacbigaas masaakiinta ah oo u
dhintay ama u qaxay ama u naafoobay sababta SNM waa ogyihiin.
SNM waa inay ogaataa in la soo gaaray in shacbigaas aanan
la qaldi karin ee ayaga iyo dawladdiiba si wada jir ah denbi
uga galeeninkastoo sababta halaagga SNM keentay. Waxaa la
soo gaaray xilligii ay dhamaan lahay sheegashada mujaahidnimo
ee SNM ee ay shacbiga waydiisan lahaayeen wixii ay badeen.
Wax alle wixii soo garay shacbigaas masaakiin ah waxaa ay
dusha ka saaran tahay kuwii dagaalka ku bilaamay waa SNM.
Goor ay ahaatoba waa la arki doonaa shacbiga la siray oo maxkad
soo saara haraadigii SNM.
Riyaale waxaa laga filayay:
1) inuu haraadigii SNM maxkamad soo taago
shacbiga ama ha cafiyo ama halaga jaro wixii ay umadda u soo
jiideen.
2) Inuu inkiro inuu dad soomaali ah reer
koofureed (hawiye) uu Hargaysa ka tarxiilay mana yeelin
3) Inuu inkiro inuu Soomaali u dhiibay sanaawi
ama amxaaro mana yeelin
Riyaalow shacbiga Soomaalida waa walaalo
mana kala maarmayo ee waxa laguugu eedeynayo kala cadee haddii
kale af hayeen ku tiirsanow . Arrinkan ha sahlanin waayo taariikhda
ayuu kuu gelayaa.
Riyaalow baaritaan kuma samayn waxa helay
baarlamaankaaga. Waxaa jira qof qayaano wada oo ah xildhibaan
kaasoo dhiiyacab qaran dumiye jabhadaha aabahood cabdulahi
yusuf la shaqeeya kaasoo siray baarlamankaaga.waxaa la isla
dhexwadaa inuu qaad u qaaday oo markay marqaameen kawada saxiixay
in xuduuda puntaland iyo somaliland la xiro oo ciidamo lagu
dayro. Arrintaan ma ahayn gef yar ee waa wax dawladaha isku
casilaan waa in aad kala dirtaa baarlamaankaaga waayo waxaa
laga waayey qof yiraahda arrintan ma soconayso oo dawlad aan
qawl lahayn ayay noqonaysaa. Hadda baarlamaanka xaggee istaagayaa
dunida waxay taqaanaa marka baarlamaan wax saxiixo inla dhaqan
geliyo ama marka hore laga fiirsado. anigoo hal qof ah ayaa
ka xishoonayaa in aan iraahdo xuduud labo qabiil ah oo soomaali
ah ha la xiro ka waran baarlamaan dhan! adduunka waxaa uu
sugayay in aad ka dhabaysaan xuduud xiridda ee maxaa helay
go'aankii baarlamaanka?
Madaxweyne kala dir baarlamaankaaga ama waa
in aad u bilowdaa macnaha xildhibaanimo legislative101. Qalad
aan laga soo noqon karin lana sixi karin waa dawlad aan qawl
lahayn.
Madaxweyne Riyaalow hal waan kugu hambal
yay nayaa waa in aad sida cabdulqaasim oo kale aad iska ilaaliso
daadinta dhiig soomaali laakiin baarlamaankaaga qaadka ka
ilaali haddii kale waxay noqonayaan wax lagu maadsado. wararka
qaar ayaa sheegaya in hadalka xudduda hala xiro uu ka yimid
Mr. Qaybe ee maxaa kajira?
Marka la ogaado qofkii uu ka yimid hadalkii
ahaa xuduuda hala xiro waa in maxkamad la soo taagaa ama uu
iscasilaa ama la cayriyaa waayo uma baahnid qof sidaas u xigmad
yar.
Madaxweyne Riyaalow waxaan kuugula dardaarmayaa
in aad ilaaliso soomaalinimada waayo adduunku waa isbedelyaa
dadkuna ma kala maarmo. Waxaa kale oo aad ka gaabisay in aad
u hadasho dadkii Soomaaliyeed eelaga badan yahay ee ku nool
koofurta Soomaaliya waayo waxay u darsadeen dawladdii Siyad
Barre ama dawladdii Soomaaliyeed waayo wax difaaco maleh.
Waxaan ka hadlayaa xamar iyo koofur reer xamarkii, digil iyo
mirifkii jareer weyn iyo kuwa aan hubaysneen. Yaad ku ogtahay
dadkaas ?
Waa la gumaystaa, ladhacaa, la dilaa gabdhahoodana
la fara xumeeyee marka haddii ilaahay nabad ku siiyay iyo
dawladnimo maxaa kuu diiday inaad u hadasho ama difaacdi intii
karaankaaga ah.
Hassan Warankulule
warankulule@yahii.com
|