Codka Beesha

 



 


Cabdulahi Yusuf la mood noqonse waa! ( Hassan Warankulule)

Aug,20.2004 Radio Free Somali (RFS)

waxaa la filayay inuu cafis weydiisto bulshada soomaaliyeed ee uu bur burka u gaystay gaar ahaan qabiilkiisa --haseyeeshee uma eka nin gartay in uu denbi leyahay bal waxaaba uu u hanqal taagayaa inuu soomaaliya oo dhan madaxweyne u noqdo.

Abdulahi Waa ninkii aasaasay afarta jabhadood ee dadka iyo dalkaba rogay ee dalka bur buriyaywaa ninkii wadiiqada u falay dhamaan dadkii xun xumaa oo yaqaanay sida wax loo bur buriyo ama dadka loo qaybiyo ama sida loo siro ardada yar yar ee iskuulada dhigta iyo reer miyiga. Cabdulahi welima garowsan in la isticmaalay oo uu u adeegay Ethiopia waxaa uu aaminsan yahay inuu asaga ka faa'iidaystay.

Dhibta u weyn waxaa uu ugaystay waa masaakiintii majeerteen ee baraagahooda la gubay iyo ardadii uu iskuulada ka waday oo uu waxbarashada seejiyay. wixii magaalo la gubay iyo wixii dad la xiray cabdulaahi ayaa u sabab ahaa. Majeerteen waa inay cabdilaahi Yusuf weydiiyaan qasaarada uu u soo jiiday. jabhadihii uu abuuray sida snm usc iyo spm maxay majeerteen u soo kordhiyeen? Dadkii lagu dilay xamar la qixiyey ama la boobay hantidoodii xamar waxaa u badnaa majeerteen. Cabdulahi waxaa uu qarankii u dumiyey una asaasay usc iyo snm waxaa uu is lahaa siyad bare la dagaa lwaxaase cadaatay in majeerteen u darsaday siyad. siyad teg laakiin yaa bedelay waa snm iyo usc abaalkaas waxaa leh cabdulaahi.

shacbiga majeerteen waa ogyihiin cabdulahi waxa uu galay ama dhimay majeerteen, waxaa la soo gaaray xiligii cabdulahi maxkamad la soo taagi lahaa.cabdulahi waxay ahayd inuu dhuunto ilaa laga iloobayo iska daa Soomaaliye Majeerteen ayaanan cafin. Cabdulahi waa oday waxa yar oo u haray waa inuu cafis weydiistaa majeerteen iyo somaliweynba iyo Ilaahay.

Hassan Warankulule

warankulule@yahii.com

 








Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.