91.9FM Codka Beesha

Home

Ciidamo Itoobiyan ah oo la soo dhoobay Deegaanka Godey iyo Meelo kale

 

Dic,22.2004 Radiofreesomalia (RFS)

Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor) oo sheegtay inuu yahay Guddoomiyaha RRA ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay in ay jirto Qorshe Itoobiya ka wado deegaanka Godey iyo meelo ka mid ah Xuduudaha Bakool iyo dalka Itoobiya Ciidamo la doonayo in ay horsed u noqdaan Dowladda C/llaahi Yuusuf oo uu sheegay in ay ka howgali doonan meelo kamid ah Soomaaliya.

:Itoobiya waxay Godey ku Diyaarisay Ciidamo gaaraya 4000 oo isugu jira Puntland iyo Itoobiyan kuwaas oo la doonayo in la keeno meelo ka mid ah Gobolada Koonfurta Soomaaliya”ayuu yiri Aadan Saransoor oo sheegay in ay ka hortagi doonan howsha ay wadaan Saraakiisha Itoobiya.

Wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyed in ay ka hortagan Qorshana cusub ee Itoobiya ku doonayso in ay ku qabsato meelo ka mid ah Soomaaliya, wuxuuna ugu digay dowladda Madaxweyne C/llaahi Yuusuf in ay ka fiirsato talaabada ay qaadayso.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in marna aysan aqbali doonin in Baydhabo cagaha soo dhigaan hogaamiyasha RRA da iyo cid kale oo Digil iyo Mirifle ah oo ka tirsan Dowladda C/llaahi Yuusuf Axmed.

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com
Midnimo Information Center
Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com





Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



Banadir

 

 

 



 

 

 

 

 

Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | webmaster@radiofreesomalia.com