Codka Beesha

 



 

Barre Hiiraale iyo Jaamac Aadan Dheere oo wada hadalo la isaga horkeenay

March,3.2005 Radiofreesomalia

wada hadalo lagu xalinayo dagaaladii ka dhacay magaalada Kismayo ayaa maanta ka bilowday Kismayo iyadoo wada hadaladaasi ay goobjoog ka ahaayeen Barre Hiiraale iyo Jaamac Aadan Dheere.

wada hadaladaan oo u jeedkoodu ahaa sidii loo soo afjari lahaa dagaalkii 3/02/05 ku dhexmaray magalaada Kismayo isbaheysiga D/jubba iyo dhiunaca Jaamac Aadan Dheere ayaa ka dhacay saakay hotelka Tawakal ee magaaladaasi.

ugu horeyntii kulankaan ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay gudigii qaban qaabada ee iyagu isku howlay sidii mar ay u dhici laheyd in la isku horfariisiyo labadii dhinaca ee diritu halkaasi ku dhexmartay, waxaan aya ku nuux nuuxsadeenn in muhimadu ay tahay in xaalwaara laga gaaro maamulka iyo daganaashaha magaalada Kismayo, sidoo kale shirkaan ayaa waxaa ka hadlay odayaal dhaqameedyo ka kala socda labada dhinac.

Barre Aadan Shire Hiiraale Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta ee DFKMG ahna gudoomiyaha isbaheysiga D/jubba iyo taliyaha ciidanka isbaheysiga D/jubba Maxamed Rooble Jimcaale oo labaduba halkaasi ka jeediyay hadalo ay soo dhaweeyeen odayaasha xaldoonka ah,Jaamac Aadan Dheere oo goob joog ka ahaa shirkaasi ayaa isna qaatay waxyaabihii eedeymaha ahaa ee dusha laga saaray.

arintaan ayaa u muuqata haatan in xalwaara laga gaaray sidii la isku soo hor fariisin lahaa labada dhinac isla markaana ay ka wada hadlaan waxyaabihii ay kala tabanayeen iyadoo cid aysan u dhaxeyn.

si kastba ahaatee kulankaan ayaa ku dhamaaday iyadoo si weyn la isugu afgartay waxyaabihii labada dhinac loo soo jeediyay waxaana ka muuqatay labada dhinac aqbalaad iyo soo dhaweyn.

editorial@radiofreesomalia.com









Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.