|  
War
Saxaafadeed Degdeg ah - Hawiye Action Group (HAG)
Feb,23.2005Radio Free Somali (RFS)
KU: MADAXWEYNAHA IYO RA’ISUL WASARAHA DFKMG AH.
KU: GOLAHA WASIIRADA DFKMG AH.
KU: GUDOMIYAHA BARLAMAANKA IYO KU XIGEENADIISA.
KU: XILDHIBANADA GOLAHA SHACABKA.
OG: HOGAMIYE DHAQAMEEDYADA SOMAALIYEED.
OG: SIYAASIYIINTA IYO AQOONYAHANADA.
OG: DHAMAAN CULIMADA DIINTA.
OG: SARAAKIISHA CIDAMADA KALA DUWAN.
OG: DUMARKA IYO DHALINYARADA.
OG: SAXAFADA SOMAALIYEED.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Marka hore waxaa Mahad leh Ilaahii nagu toosiyey
fikirkan wanaagsan in aan gaarsiino umaddeena Somaaliyeed ee jecel
Nabada iyo Qaranimada Somaaliyeed.
Anagoo ah Urur ka shaqeeya nabadda iyo Dib u soo
nooleynta Qarannimada Soomaaliyeed, waxaan CODSI iyo DIGNIINO u diraynaa
Dowlada iyo Golaha Shacabka FKMG ah in aan marnaba dalka la KEENIN
CIIDAMO SHISHEEYE iyadoo la tix gelinaayo rabitaanka Shacabka Somaaliyeed.
Waxaan halkan ka soo jeedineynaa Qodobo muhiim ah,
una baahan in looga doodo si waafaqsan SHARCIGA iyo CAQLIGA suuban.
1. Waxaa naga Codsi iyo Digniin ah in aan dalka lakeniin Ciidamo Shisheye,
iyadoo la tix gelinayo rabitaanka iyo xuriyada ummada Somaaliyeed.
2. Waa waajib saaran Shaqsi kasta ee Somaali ah in uu difaaco sidii
loo badbaadin lahaa dhiiga, Dhaqalaha, Xuriyada iyo Xuduudaha umadda
Somaaliyeed.
3. Marka laga doodayo Keenista Ciidamo Shisheeye, waa in dib loogu
noqdo AXDI QARAMEEDKA meesha ay kaga qoran tahay in dalka la keeno
Ciidamo Shisheeye.
4. Weli ma la arkay Dal lageeyey Ciidamo Shisheeye ee ay HORUMAR Gaarsiiyeen?,
Laakiin waa aragnay XASUUQ iyo KUFSI loo geystay Shacabka ku nool
wadamadii lageeyey Ciidamada Shisheeye.
5. Waxaan leenahay Saraakiil iyo Ciidamo aqoon u leh kuna Filan soo
celinta nabada iyo kala dambeynta, iyaga ayaana mudan in la howl geliyo.
6. Waxaa Sharaf xumo iyo meel ka dhac ku ah umadda Somaaliyeed in
magaceena kaalmo dhaqaale lagu waydiisto CAALAMKA iyadoo Shaqo loo
aburayo Ciidamo Shisheye.
7. Caasimada Somaaliya waa Magaalada Muqdisho. Dawladduna waa in ay
ka hawl gashaa Magaalo Madaxda.
8. Waddamada Safka hore waxaan ka CODSANEYNAA in ay tixgeliyaan deris
wanaaga naga dhexeeyo iyo rabitaanka Shacabka Somaaliyeed.
9. Waxaa muhiim ah in lays weydiiyo maadama ay Hogaamiyeyaashii Siyaaasadda
ay noqdeen Xildhibano iyo Wasiiro, yaa looga Cabsi qabaa in ay hor
istaagaan Dowladdan?
10. Xildhibanada waa in loo ogolaado in ay CODKOODA ku dhiibtaan habka
QARSOODIGA ah.
Inta goori goor tahay Xildhibanada haka fiirsadaan
go’aanada ay ka gaaridoonaan keenista Ciidamo Shisheeye, idinkoo
doodiina ku saleynaya Sharciga iyo Caqliga Suuban.
Waxaan si gaar ah ugu Mahad celineynaa Shaqsi kasta
ee Somaali ah ee DIIDAN in dalkeena lageeyo Ciidamo Shisheeye si dib
naloogu Celiyo Gumeysi ah Qeybiyoo Xukun.
Somaali kala og “Ninkii u looga iyo Ninkii
Lugooya”
Mahadsanidiin,
Contact: Mr. Liban Gabaire
Executive Director
1-416-833-2794
H-TAG@hotmail.com

Opinions
expressed in this columns are those of the authors and not necessarily
those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Radio Free Somalia
 

|