| Dadka
Soomaaliyeed ee 14-ka Sanno Fowdada ku soo jiray oo ay adagtahay
in la
baro Nidaam Dawladnimo marka Shirka Kenya lagu soo dhiso Dawlad
Soomaaliyeed.
Aug.2004 Radio Free Somali (Muqdisho)
Iyadoo la filayo in Dawlad Soomaaliyeed ay
ka soo baxdo Shirka Soomaalida uga socda Kenya ayaa waxaa
soo muuqanaysa inay wali Dadka u hamuun qabaan ku sii dhex
jiritaanka Fawdada iyo Nidaam la’aanta 14 Sanno jirsatay.
Dadka Soomaaliyeed oo 14 Sanno ku soo dhex
jiray Nidaam Fawdo ah oo Sharciga iyo kala dambayn aan lahayn
ayaa waxaa adag in dib loo baro Shuruucda looga dhaqmo Dal
Nidaam iyo Dawladnimo ay ka jirto. Waxaana Maalmihii ugu dambeeyay
ay Dadku iswaydiinayeen Sida Bulshaddan ku jahwareertay Fowdada
ay ula qabsan karaan Dawlad lagu soo dhiso Kenya.
Waddooyinka Magaalooyinka Waawayn ee Somalia
sida Muqdisho waxaa ka jira Nidaam Xumo tii ugu darnayd. Waxaana
Maalin kasta ka dhaca illaa iyo Boqol Shilal Baabuur ah. Iyadoo
aysan jirin Taraafiko kala nidaamisa Gawaaridda.
Isgoysyadda Qaarkood waxaa taagan Taraafiko
labisan dharkii lagu yaqaanay oo iskood isku xilqaamay. Laakiin
waxaa xaqiiqo in Dhagaha Wadayaasha Gawaariddu aysan u furnayn
Dhawaqa Seeriga Taraafikadda. Iyadoo mararka qaarkood ay Darawaliintu
ugu hanjabaan Taraafikadda inay dilayaan. Kadib marka ay dhibsadaan
Seerigiisa Digniinta ah.
Mid ka mida Taraafikadda ka hawl gasha Isgoysyska
Baar Ubax oo ka mida Isgoysyadda muddooyinkan caanka ka noqday
Muqdisho ayaa sheegay in Boqolkiiba Toddobaatan Wadayaasha
Gawaaridda aysan Khibrad Darawalnimo lahayn. Wuxuuna sheegay
inaysan xittaa fahamsanayn Tilmaamaha ay bixinayaan
Taraafikaddu. Dawladda Soomaaliyeed ee lagu soo dhisayo Kenya
ayaa waxaa hortaala Caqabad
adag oo ay lagama maarmaan tahay inay diyaariso Nidaam Cilmiyaysan
oo Bulshadda looga korin karo Fowdada iyo Nidaam la’aanta
ay 14-ka sanno ku soo
dhex jireen. Iyadoo dhibaatadda ugu wayn ay tahay Dadka Daaraha
dhaadheer ka dhistay Dhulalkii ay Dawladdu lahayd iyo kuwii
Adeega Bulshadda.
Cabdi Casiis M. Guuleed “Afrika”
abdiguuleed@yahoo.com
Mogadishu, Somalia.
Webmaster@radiorfreesmalia.com
|