Codka Beesha

 



 


Xaggee ku dambeeyay Ninkii Soomaaliga ahaa ee Billawgii Toddobaadkan la shaaciyay in lagu afduubtay Dalka Ciraaq.?

 

Nov,3.2004 Radio Free Somalia (RFS)

Nin Soomaali ah oo ka shaqaynayay Dalka Ciraaq isla markaana horay loo shaaciyay in la afduubtay ayaan illaa iyo hadda wax war ah laga hayn Xaaladiisa Nololeed. Iyadoo Kooxihii Afduubtayna aysan wax war ah ka soo saarin haysashadooda Ninkaasi Soomaaliga ah.

Ninkan Soomaaliga ah oo Wade ka ahaa Gaari Noociisu yahay Tareel ayeey Kooxo Ciraaqiyiin ah ka afduubteen Magaaladda Kirkuuk ee Dalka Ciraaq. Waxaana illaa iyo hadda aan la ogayn halka ay Kooxda Afduubatay Ninkan la aaday iyo Ujeedada rasmiga ah ee ay ku haystaan. Iyadoo la ogyahay in Somalia aysan lug ku lahayn Haysashadda Ciraaq ee Isbahaysiga uu Maraykanku horkacayo.

Ninkan Soomaaliga ah oo aan wali Magiciisa la aqoonsan ayaa ah Ninkii labaad ee Soomaali ah. Isla markaana lagu afduubto Ciraaq. Waxaana Muwaadinkii Soomaaliga ahaa ee kan ka horeeyay la sii daayay kadib markii ay Culumadda Ciraaq Kooxdii haysatay ka dalbadeen inay Ninkan sii daayaan maadaama Dalkiisu uusan xilligaasi lahayn Dawlad Dhexe oo Awood badan.

Cabdi Casiis M. Guuleed "Afrika"

abdiguuleed@yahoo.com

Mogadishu, Somalia









Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.