![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Wasiirka Hormarinta Iyo Adeegga Bulshada Oo La Kulantay Ra’isulwasaare Kuxigeenka Iyo Wasiirka Caafimaadka Dalka Turkiga “DAAWO SAWIRRADA”
JANUARY 4, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drso Maryan Qaasim oo socdaal shaqo ku joogta dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga ayaa kulammo kala duwan la qaadatay Ra’isulwasaare Kuxigeenka iyo Wasiirka Caafimaadka Dalkaasi Turkiga. Kulamadan oo ka dhacay magaalada Istanbul ayaa ugu horeyn waxey Wasiiradda la kulantay Ra’iuslwasaare Kuxigeenka dalka Turkiga Bakir Bozdag oo ay ka wada hadleen sida loo hirgelin karo mashaariic hormarineed oo ay walaalaha Turkigu ka hirgelinayaan gudaha Dalkeenna. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drso Maryan Qaasim ayaa waxey la kulantay Wasiirka Caafimaadka dalkaasi Recep Adkag oo ay ka wada hadleen sida loosii amba qaadi karo qorshayaal ay Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada ku dooneyso in dib loogu soo nooleeyo Adeegyadii caafimaad ee ay Dowladdu shacabka u sameyn jirtay. Kulammadan ay Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drso Maryam Qaasim la qaadatay Ra’isulwasaare Kuxigeenka iyo Wasiirka Caafimaadka Dalka Turkiga ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu hirgelinayo qorshayaal ay Wasaaraddu ku dooneyso hirgelinta Adeegyo hormarineed. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|