Codka Beesha

 



 


MAGDHOW AAY BEESHA YAXYESAALAX WEEYDIISANAYSO DOWLADA ITALIA

Sep,23.2004 Radio Free Somali (RFS)

URURKA USC/SNMC BEESHA MEHERI EE KOONFURTA SOOMAALIYA CARAB YAXYESAALAX

Taariikh koban: Beesha Yaxyesaalax

Beesha Yaxyesaalax waxa aay u kala baxaan Afar lafood oo u sii kala baxa sadax iyo toban jilib, waa dad iskuugu jira aqoon yahan, wax
garad, mutacalim, culimo iyo reer guuraa, waa halgamayaal u soo halgamay dalkooda hooyo ee soomaalia laga soo bilaabo ( 1950 hanoolaato), yaxyesaalax waxa aay ka mid ahaayeen qabiilada dagaalka kula jiray gumaystaha cadowga ee xaqdarada ku haaystay dhulka soomaaliyeed, waa dad xaq u leh in aay helaan xuquuda aay ku leeyahiin dalkooda hooyo, Yaxyesaalax waxa aay jagooyin kala dukan ka soo qabteen dowladii aadan cade, dawladii c/rashiid cali Sharma’arke iyo dowladii ugu danbeeysay ee siyaad barre.

Beesha yaxyesaalax ugaaskoodii, odayaashoodii, beeldhaqameedkoodii,
nabadoonadoodii, waxgaradkoodii iyo dhalinyaradoodiiba waxa uu gumeeytahii haaystay soomaaliya u geeystay dhimisho dad aad u farabadan oo aan la soo koobi karin, jirdil fara badan, xabsi, iyo boob aay boobi jireen hantidoodii.

Waxaa shaki ku jirin in taariiqda beesha yaxyesaalax aay ahaayeen halgamayaal daacad u ah wadankooda hooyo, qiimo iyo qaayana u lahaa wadankooda hooyo, una hureen naftooda iyo maalkoodaba waxaana
halkaasi ku geeriyooday dad aad u fara badan iskuuguna jiray waayeel, rag, maato,dumar, iyo caruurba.

Beesha yaxyesaalax waxa aay degaan magaalooyin aad u farabadan oo ka mid ah dhulka soomaaliya gaarayana ilaa iyo sadax iyo toban magaalo, waa dad reermagaal ah,waxgarad ah, akhlaaq iyo asluub badan, dadka aay degaanka wadaagaan aay kula nool yahiin akhlaaq wanaagsan iyaga oo dhoowraya xuquuqda aay isku leeyahiin dadka aay
degaanka wadadagaan, beesha yaxyesaalax waxaa lagu yaqaan daris wanaag oo aay kula nool yahiin walaalahood muslinka ah oo aay
wadaagaan Diin, Dhaqan iyo afba.

Beesha yaxyesaalax waxaa xaqiiqo ah dhimashadii iyo burburkii iyo dagaaladii qabaa’iilada soomaaliyeed in aaysan ka qeeyb qaadan eeyna yahiin dad saliim ah oo aan wax dhibaato haba yaraatee u geeysanin walaalahooda soomaaliyeed iyo dalkoodaba.

Hadaba waxa aan magdhow weeydiisanaynaa dowlada italia oo aheeyd gumeeytahii baaba’ayay dadkeenii beesha yaxyesaalax oo qiyaastii gaaraya ilaa iyo ku dhawaad boqolal kun oo qof sida aan ka soo xiganay owoowayaalkeenii xiligaasi joogay arintaana waxa aan u bandhigi doonaa dowlada cusub ee la dhisayo waa haddii lagu guuleeysto, waxaan sidoo kale u qabsan doonaan Abuukaatayaal caalami ah si aan u helno xuquuqdeenii dadkii naga baaba’iyay oo nagala dilay waqtigaas uu talyaaniga gumeeysanayay dhulka somaliya.

Markasta waxaa la igala soo xiriiri karaa emailka:

Dr_said_25@hotmail.com

Gudoomiyaha beesha Ururka USC/SNMC Beesha meheri ee koonfurta
Somaaliya

Dr Saciid Xusseen Haashim

 








Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.