Codka Beesha
   

 


Radiofreesomalia

  Sarifka Lacagaha
Islamic links
  Dacwah.com
Benadir-islam
Khalidmosque
Learn about Islam
Islamweb.net
Islamicschool.fr
Alqurabaa.net
Boqolsoon
Sna.net/
Islamic City
Maktabatu Al-Hudda
Msa-natl.org
Islamweb.net  
 
  PROGRAMS
  Legal Aid Ont.
 

 wararkii hore

 

INSIDE RFS NEWS WARKII MAANTA
RFS- - DAILY HEADLINES - - WARKA MADAXDIISA

Tiirka koobaad ee dawladnimada: Muwaadinnimo
W/Q Cabduraxman M. Cabdullahi (Baadiyow).

MARCH 30, 2009 Radiofreesomalia.com

Eraygga “Muwaadin” maalmahaan aad looma maqal, una maleyn maayo iney dareemi karaan micnihiisa dhabta ah dhallinyarada soo barbartay intii ka dambeysay burburka dawladaa qaranka 1991. Waxaa kale oo la hubaa iney eraygaas iloobeen dadkii goobjoogga ka ahaa dawladnimada iyo aqoonyahaanadii kusoo nacfiyay dawladnimada oo waxbarsho, shaqo iyo sharaf intaba ku helay.  Waxaa kale oo la dhihi karaa inaan markii horeba aan shacbiga aad loo barin micnaha muwaadinnimada iyo dawladnimada. Si gaaban haddii loo qeexo micnaha muwaadinnimada waxa la dhihi karaa:  waa xubin ka noqoshada rasmiga ah ee dawalad qaran (Somaaliya) ama dawlado isku tegay (Midawga Yurub), gobol (Gedo) ama magaalo (Baidoa). Xubinnimadaas waxaa lagu heli karaa udhalasho ama la dhaqan deganaasho leh, waxeyna ku dhisantahay in xubnaha oo dhan leeyihiin xuquuq siman iyo waajibaad isku mid ah. Markii dawladii qaranka meesha ka baxaday 1991, waxaa eraygaas bedelay erayo kale oo muujinaya xubinnimo ku kooban gobol ama reer oo buuxiyay booskii muwaadinnimada Somaaliya. Tusaale, ruuxu wuxuu xaqqiisa ku raadsadaaa asaga oo sheegta magaca reerkiisa, kursi baarlamaan ku qaadan karaa si reernimo ah, wasiir ku noqonayaa magaca reerka. Muwaadin Somaaliyeed ayaan ahay waxba laguma helo, xisbi mabda’ ku dhisan ayaad ka tirsanahay waxba laguma helo. Sidaad darteed, inta laga gaarayo waqtigaa doorashooyinka xorta ah, reerku wuxuu noqday waxa kaliya oo looga qeybgeli karo siyaasadda dalka. Waxaana shaki la heyn in xaaladaasu ay sii dilayso dareenka muwaadinnimada iyo nidaamka dawladnimada.

Sidaas darteed, burburkii dawladda qaranku wuxuu reebay dalool weyn oo aan la awdi  karin. Dalool xagga fahamka dawladnimada, xagga dhaqanka, sharfata iyo karaamada. Koox kasta oo isku dayday iney buuxiso daloolkaas waa ku fashilantay. Waxaa ugu horeeyay Jabhadihii lagu soo abaabulay Itoobiya oo lagu soo dhisay qaab-reereed hubeysan oo isku dayay iney awoodda qaranka kula wareegaan si reernimo ah. Waxaa la soo tijaabiyay oo suurtagal noqon waayay in lagu dhisi karo dawlad qaabka isbahaysi reernimo. Sidaas ayaana mashruucii reernimadu ugu fashilmay xukunta dawladda. Fashilkaas, inkasta uu kala heer iyo nooc ahaa, hadana marna kalama go’neyn oo wuu isdaba joogay dawladiihi Somaaliyeed oo talada dalka qabtay ilaa 1960. Markii dawladii rayidka aheed laga kari waayay musuqmaasuq iyo qaraabo-kiil ayaa Ilaahey ku saliday ciidan careysan oo ay dabada ka riixaysay dawladda Ruushku.  Dawladdii kacaanka ee 1969 oo bilawgii hayi kicisay dadka oo kusoo jiidatay barnaamijyada sinaanta iyo shaqadada, waxey ayana cagta saartay waddii kuwii hore ku fashilmeen oo ku dhisan qaraabo-kiil, eex  iyo hantida qaranka oo la gorfiyay, lana mudursaday.  Waa qaab guracan, waa boob iyo sadbursi kasoo horjeeda fikirka dawladnimada oo ku dhisan “muwaadiniin siman”.  Waa sinnasho aan ku xirneyn dhalasho, dhaqan, lab iyo dhidig, jinsi iyo luqad.  Muwaadiniintaas waxey leeyihiin xuquuq siman sharciga hortiisa, waxaan saaran waajibaad isku mid ah sharcika hortiisa.  Nidaamka dawladnimada casriga ah kuma jirto wax kala soocaya dadka muwaadiniinta ah, kuwooda fiican iyo kuwooda xun, muwadinnimada waa usimanyihiin. Muwaadin kasta wuxuu helayaa abaalmarin ama ciqaab shaqsi ah qaanuunka hortiisa ee miisaan kale lama sari karo.  Sidaas ayada oo ah, hadana muwaadinnintu waa kala fiicanyihiin, waxeyna u kala baxaan kuwa baari ah iyo kuwa caasi ah. Kuwa baari u ah dalkooda, dadkooda iyo diintooda, iyo kuwa intaasba caasi ku ah oo hadana aan la tuuri karin. Kuwa caasiga ah waa kuwa loogu tala galay in lagu edbiyo xabsiyada iyo xerooyinka xanaaneynta.

Muwaadinka fiican waa qof u hogaansama qaanuunka dawladda oo aan sharciga jebin. Waa qof bixiya qaaraanka dawladda (canshuurta) oo aan la’aanteed dawlad la noqon karin. Waa qof shaqeysta oo naftiisa iyo qoyskiisa masruufa. Waa qof kaalmeeya inta ka tabarta daran oo gaarsiiya mucaawino. Waa qof aan khiyaanin waddankiisa oo aan ka shaqeyn danaha dawlado kale oo cadaw la ah dalkiisa. Waa qof xoogga saara inuu iibsado waxyaabaha dalkiisa laga sameyo ama laga soo saaro si uu u kobco dhaqaalaha dalkiisu. Waa qof xor ah, sheega waxyaabaha runta ah, taageera waxyaabaha saxda ah, kana soo horjeesta waxyaabaha khaldan. Muwaadinka fiican waa qof iskaashi la leeyahay dadka uu la wadaago fikirka, shaqadu ka dhexeyso iyo kuwa dariska la ah.  Muwaadinka fiican waa qof aan wax xadin, wax  boobin, been aan sheegin, wax aan khiyamin, qoyskiisa si fiican udhaqda, caruurtiisa barbaariya. Muwaadinka fiican waa qof ixtiraama xornimada, dareenka iyo qaab nololeedka muwaadiniinta kale iyo aadamiga oo dhan. Ugu dambeyntii, muwaadinka fiican waa qof leh dhaqanka iyo akhlaaqda fiican ee diinta Islaamku na fareyso. 
 
Muwaadinka xun, waa qof nuxnux leh, hadal ku nool ah oo inta shaqeysata ku dul nool. Ku dulnoolaasho ku dhisan tuugsi, khiyaano ama boob. Kuwaas qaarkood, waxey isku haystaan iney dadka ka diin badanyihiin, ka waxgaradsanyihiin, kana nasab sanyihiin.  Waxey isku haysataan  iney yihiin libaax dadka kalena waa waxba. Kuwaas agtooda, dadku ma aha muwaadiniin siman oo dadka waxaa ugu fiican reerahooda, xaqna u leh iney reeraha kale xukumaan, xoog ama xeelad. Kuwaas qaarkood, dadku Muslim umawada aha ee waa in loo kala saara sidexda “M” midkood: mu’min, munaafaq iyo murtad. Sidaas darteed, dadku ma aha muwaadiniin siman. Sidee loo simi karaa muslimka fiican, munaafaq iyo murtad?  Muwaadinka xun waa sharci jebiye, qaraan-diidka dawlada iyo qoys burburiye. Muwaadinkaas dhaqankiisu xumaaday wuxuu culeys joogto ah ku yahay muwaadiniinta fiican,  dhaqan celinna ka sugayaa asaga oo aan luminin muwaadinnimadiisa.

Hadba waxaan aheyn muwaadinnimo dawlad Somaaliyeed kuma sameysmeyso. Dawlad waxaa sal u ah muwaadinnimo loo simayahay xuquuqda iyo waajibadka. Ruux kasta oo muwaadin ah ayada oo aan loo kala saarin mid fiican iyo mid xun, waxey u simayihiin qaanuunka hortiisa. Ilaalin qaanuunkaas waxaa ka mas’uul ah hay’adda garsoorka ee dawladda.  Somaaliya, qaanuunkaas waa inuusan khilaafin mabaadi’da Islaamka oo ku dhisan fahamka dhedehxaadka ah oo ka fog seef-laboodnimada (tadarufka). Dawladda Somaaliyeed, ugu horeyntii waxaa laga sugayaa iney sugto nadagalyada muwaadin kasta. Waxaa dawladda looga fadhiyaa xaqiijinta ujoodooyinka waaweyn ee shareecada Islaamka oo ah:  Ilaalinta iyo badbaadinta nafta, maalka, sharafta, diinta iyo caqliga muwadiniinta. Hawshaas waxaa laga rabaa dawladd ee ma aha mid laga sugaayo koox siyaasadeed. Caadifo diineed ama mid reereed aan sal sharci ah laheyn oo lagu hawlgalo waxaa u dambeeysa shanlaay iyo calaacal. Waxey ku biyo shubteen, inta badan, arin owr ku kacsi siyasadeed ah, oo dabayaaqadeedana taagerayaashu farta qaniinaan.  

Fikirka muwaadinimada waxaa asaaska u dhigay “Dastuurgii Madiina” oo Nabigeenaa (saw) oo ku dhaqay dadka kala diinta iyo kala dhaqanka ah ee deganaa Madiina markii uu halkaas u haajiray. Waxaa muuqata in muwaadinnimada iyo dawladnimada uu isku xiray Nabigeynna suban (saw). Waxaa kale oo la hubaa in asaaska loo dhigayay “umadd” ku dhisan mabaadi’da Islamka oo ka gudubta qaabka reernimada.  Muwaadinimadu ma diideyso in daku ay yihiin qabiilo iyo degaanno danahooda ka shaqeeya ayaga oo aan ku xad gudbeyn muwaadiniinta kale iyo dastuurka qaranka. Muwadinimada ayaa ah unuga koobaad iyo salka dawladnimada wanaagsan (good governance), waxey ku dhisan in dalka xukunkiisa loo simanyahay, loo tartamo, xisbigii ama ruuxii hela codka dadka intiisa badan, talada loo dhibo muddo xaddidan. Hadii uu hawsha ugasoo bixi waayo sidii la rabay, waa in lagu ridi karo tantan kale, bedelkiisana ruux kale la dooran karo. Sidas ayaa shacabku wuxuu kusoo dhacsan karaa awoodiisa, wuxuuna qasbi karaa inuu xukumo ruux ay raalli ka yihiin oo kaliya. Arinkaas waxaa lagu magacaabaa “demoqaraadiyad” ama “shura” oo nuxurkooda siyaasadeed isku mid yahay. Muwaadiniinta waxaa ka mamnuuca iney xukunka iska booban, xooggna isku xukumaan, haddi ay dhacdana, waa xaald jiro ah oo aan horseedeen bulsho caafimad qabta oo u horumarta. Intaas ma isla fahamnaa?

 


 Madaxweyne Aden Abdulle Osman

Khamiis walba Qeyb cusub
18aad
HEESTII -GUMAYSI DIIDA-MIDNIMADU WAY MACAAN TAHAY,
HEESTII -darbi kaboodow Sulfa
HEESTII - Abaaldaraney-Tahliil
HEESTI - Eedo - Baastow
HEESTII - Hanaan Socod-Beer
HEESTII- Isoo Gaadhay _ Boqol
HEESTII - Jan Smith - Magool
HEESYII - Jooqle _ Boqol
HEESTII - Poet - Kamaal
HEESTII - Sulfa- D. Kaboodow
HEESTII - dayax
HEESTII - Araamiduu- Boqol
HEESTII - Buunis
HEESTII-Ilaguuree-Aweis Qamis
HEESTII Kinanga - Kong
Buranbur_wadani TV
CANADA.TV | BBC.TV | Australia.TV 
Network AfricaFocus On AfricaChennel Africa | VOA. Newsnow |
Al Jazeera TVSaudi Live TV |ITALIAN: RAI.RADIO.LIVE
LIVE.TV: Discover.Islam
Ontariotenants.ca
Deccember - 2006
December - 2004 news
Other News

Year End News
Danish Cartoons
Testimony Before the Senate Foreign Relations Committee

Print
Email this page
Discuss
Write to the editor

Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com |
Copyright radiofreesomalia.com