| Maxaa
Ka khaldan Saxafadda Soomaalida?
Dic, 9.2004 Radio Free Somali
(RFS)
Waxaan shaki lahayn in intii lagu jiray burburka
iyo dowladda la’aanta Soomaaliya, in ay Saxaafada Soomaalida
aad u tiro badatay xornimo badanna heshay. Hase yeeshe waxaa
muuqata in tayada Saxaafadeenu ay weli fadhiid tahay, mararka
qaarna uu dhibkeedi ka badan yahay dheefteeda.
Waxaan aad u xasuustaa in iyadoo saxaafaddu xornimo iyo tabar
midna lahayn haddana in dadaal iyo isxilqaamid faro badan
ay isku dayeen xoogagii ku howlanaa,.wakhtigii lagu jiray
xukuumaddi militeriga.
Waxaan la ilaawi Karin waxqabadkii uu idacadda Muqdisho ku
soo kordhiyay Suxufiga C/Qadi M. Mursal oo runtii casriyeeyey
dhamaan barnaamijyada idaacadda Radiyo Muqdisho sanadihii
Siddeetanka. Waxaa ka sii horeeyey tayadii wanaagsanayd ee
looga bartay barnaamijyadii ay soo jeedin jireen Cabdi Idiis,
Dalmar iyo Dhuule, Cabdullahi Sh. Xuseen oo dhamaan ka mid
ah dadkii ka dhex muuqday Saxaafada Soomaalida gaar ahan tan
Raadiyaha.
Waxaan jeclahay in qormadaan aan dhowr tusaale ku muujiyo
sida Saxaafaddeenu uga gaabisay dhamaan wixii laga filayay
Saxaafad xor ah.
1
.Waxaa nasiib Darro ah in maanta oo farsamo badan la haysto
in Saxaafadda Soomaalida oo BBC –du ku jirto aanay lahayn
jaho iyo mabaadii ay ku socoto. Waxaan weli xasuustaa markii
nin warfidiyeen oo Ingiriis ah uu sanad ka hor ka soo laabtay
booqasho uu ku tagay Hargaysa.
Ninkaas oo u shaqaynayay mid ka mid ah Channels talifishanada
London ayaa aad uga dayriyey sida looga shaqeeyo Cusbitaalada
Hargaysa iyo daryeel xumida haysata dhamaan bukanka yaal cusbitaalada
magaaladaas. Wuxuu barnaamijkaas uu ku qaadaa dhigay dhaliilaha
ka jira wasaaradda Caafimaadka iyo hawladeenada ka shaqeeya
arrimaha caafimaadka.
Warbxintaa Talifishinkaa bixiyey ayaa runtii dad badani ka
dhandhansadeen waxqabad xumida ka jirta adeegyada Maamulka
Hargaysa. Waxaa nasiib darro ah in Shaqaalaha BBC-da ee hargaysa
aanay weligood soo gudbin barnaamij taabanaya xaqaa’iqda
ka jirata gobolkaas.
Inta badan waxaad maqlaysaa banaabax ka dhacay beerta khayriyadda,
golaha guurtida oo shiray iyo wafdi dhoofay iyo mid soo degay.
Waxaan warfidiyeenka BBC-du soo tabiyaan hadalada rasmiga
ah ee Maamulka Riyaale iyagoon ka run sheegin sida dhabta
ee wax u jiraan. Bal eeg sida uu wariyah BBC-du uga waramo
arrinta muranka labada maamul ee garowe iyo Hargaysa iyo Arrinta
gabadha yar ee lagu xiray hargaysa .
2
.Arrinta labaad waxaa weeye sida ay u waramaan bogagga Internetka
ee Afsoomaaliga ku qoran. Inta badan dadka wax ku qoraa waa
niman ay ka muuqato caadifad qabiil, nacayb iyo garasho gaabni.
Waxa yaab leh sida Saxaafddu u garan weysay muhimmadda ay
leedahay in la badiyo wararka wanaag ah ee isu soo jiidi kara
dadka lakala irdheeyey ee Soomaalida ah.
Waxaan qabaa in qaar badan oo raga wax ku qoraa bogogaas aanay
fahansanayn in garaadka dadka ay la hadlayaan uu ka sareeyo
sida ay wax u sheegayaan. Qofkii u fiirsada waxa uu dareemayaa
in qaarkood ay ka war dhowrayaan dagaal oogaha ay taabacsan
yihiin sida uu u hadlo.
Hadii uu wax mucaarado waa ku raacaan , hadii uu wax taageerana
waxay la soo shir tagaan ammaan iyo bogaadin. Tusaaale waxaa
noogu filan sidii ay u hadashay mid ka mid ah bogogaas markii
C/llahi Yusuf loo doortay madaxweynaha oo ay ku tilmaameen
in maalin madow u soo hooyatay mid ka mid ah qabiilda Soomaalida
ah. Muddo ka dib ayaa isla boggii laga soo buuxiyey faalooyin
dhexdhexaad ah iyo niyad wanaag. Waa isweydiine boggu ma dano
hal qabiil ayuu isha ku hayaa mise waa sxaafad xor ah oo leh
mawqif iyo mabaadii hagta.
Waxay arrintu ahayd in Suxufiggu dhaliisha ka bilabo dagaal
oogaha ay isxigaan ama meel kula nool inta aanu u boodin mid
kale oo ka fog. Waxaan shaki lahaaateen in haddii taasi dhici
lahayd in wax badan iska beddeli lahaayeen dhaqanka dagaal
oogayaasha iyo kuwa fidnada ka wada Soomaalida dhexdeeda.
3 .Waxaa runtii aad u wanaagsanayd sidii saxaafaddu
u dhaliishay sidii loola dhaqmay dad warfidiyeen Soomaaliyeed
ah oo ka soo qayb galay cashadii Ra'iisul wasaaraha .
Iyadoo weliba uu Kartoon heer sare ah uu soo saaray farshaxanka
Soomaaliyeed Amin camir. Waxaase isweydiin leh sidee xushmad
iyo qadarin lagu helayaa mar haddii shaqada warfidiyeenada
Soomaliyeed ay noqotay tagerid dagaal ooge, ceebayn iyo aflagaado
caaadifad qabiil ku dhisan, ka been sheegid wax dhacay iyo
faalooyin dadka wada dhashay ee Soomaalida lagu kale gaynaya.
Ugu danbeyntii waxaa runtii amaan mudan qaar ka tirsan bogogga
Internetka iyo idaacadaha qaar oo runtii muujiyey garsho dheeraaad
ah iyo adeeg hufan oo aad u anfacay Bulshada Soomaaliyeed
, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool. Waxaan kuwaas leenahay
hawsha halkaa ka wda. Kuwa majaro habaabiyay hawshii saxaafaddana
waxaan leenahay waxaa la joogaa wakhtigii wax la sixi lahaa
ee ka soo laabta wadadaa foosha xun ee wax u dhimi karta magaciina
iyo guud ahaan magaca Saxaafadda xorta ah ee Soomaalida.
Yhaji2004@yahoo.com
|