Codka Beesha

 



 


Shirka Abaal marinta Dagaal oogayaasha !

Sep 1.2004 Radio Free Somali (RFS)

Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Kenya waa shir lagu abaal mariyay warlordska , waa shir ninba ninkuu ka dad lays badnaa loo abaamariyay, waa shir wax garadkii, dumarkii , culumadii, aqoon yahankii aan tiradaba lagu darsan.

Somaliya ma,ahan dalkii ugu horeeyay ee uu dagaal sokeeye ka dhacay dunidaan, mana ahan dalkii ugu horeeyay ee xal iyo nabad lagu soo dabaalay, Hadaba waxaa isweydiin leh waxa ay dowlaha caalamka iyo urur goboleedka IGAD ka damacsan yihiin dalka Somalia, waxaa kaloo isweydiin mudan dad dalkii bur buriyay ummadii laayay lagu abaal mariyo maamulka iyo talada wadanka ,taa micnaheedu waxay tahay inaan dalkaan nabad loo rabin sanadaha soo socda.
Dhowaan barlamanka cusub ee lagu dhamaystiray magaalada Nairobi ayaa wuxuu ka kooban yahay 78% nimankii dagaal ogayaasha ahaa ee uu dalkaas maalina ka harsan waayay, waa niman aan haba yaraatee talo ku heshiin Karin waa niman ay ku yartahay maamulka wanaagsan ee ummadda lagu hogaamiyo, waa niman u adeega dowladaha deriska sida Jabuuti, Ethiopia, Kenya.

Dowladahaan aan kor kumagacaabay waa dowlado kula jira Somalia tartan dhaqaale , awood , iyo jiritaan, waa dowlado marka ay madaxdooda ka hadlayaan arimaha Somalia ay ka muuqato masayr iyo quuriwaa , waxaa tusaale inoogu filan qudbadihii madaxweyneyaasha Kenya iyo Itobiya oo aan si qarsoodi la’aan ah u weeraray jiritaanka Soomaaliyeed o yiri Somali oo dowlad heshaa waxay caqabad ku tahay dalalka Kenya iyo Itobiya , oo waxay ku hagaagsan yihiin dowlad la’aantooda.

Madaxweynaha Jabuuti isna waxaa laga hayaa,haday Somalia dowlad yeelato waxaa inaga dhamaanaya heshiiska xeebaha aan la galnay Mareykanka iyo Emaraada.

Dowladahaan deriska ama urur goboleedka IGAD waxaa inoo muuqata iney ku guulaeysteen dhismaha Baarlamanka , hadana waxay ku dadaalayaan iney ku guulaystaan jagada Madaxweynenimada ee ay hada bilaabeen habkii ay ku soo saari lahaayeen Madaxweyne fuliya danahooda, taana waxaa cadeyn u ah markii ay IGAD dhameystirtay golaha baarlamaanka iney soo nooleeyeen ururo beenaadkii ay kala wateen dowladaha deriska sida SRRC, Samata Bixin , EX TNG, ayna Warlordsyadii ay isugu leexanayaan hab dhismeedka ururadaas, oo waxaad arkaysaa in qabiilkii iyo sheekadiisa la weeciyay.

Dalkii ku dhowaad shan iyo Toban jirsatay inta uu dowlad la’aanta ahaa , hadana ay muuqato inuu dowlado shisheeye gacanta ugalayo , ayaa waxaa dad badan is weydiinayaan xulistan barlamanka iyo madaxweynahooda la soo dhisi doonaba iney wada yihiin dad u adeega danaha dowlaha deriska.
Waxaa kaloo isweydiin mudan ilaa iyo in mudo le’eg ayay socon doonaan, dowladahaan ay deriska soo dhisanayaan, ileen qofka Somaliga rabaayad magalee, waxaana muuqata in isku dhac imaan doono , shacabka Soomaaliyeedna ay ku dowlad la’aan doonaan tobanka sano ee soo socota.


Muse Kulow

admin@radiofreesomalia.com








Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.