Codka Beesha

 



 

Madaxweyne-ku-xigeenka Maamulka Puntland, oo ugu baaqay Dadweynaha Goballadda W/Bari inay hubkooda ku wareejiyaanSaraakiisha CiiddamaddaMaamulkiisa.

Oct,31.2004 Radio Free Somali (RFS)

Madaxweyne-ku-xigeenka Maamul-Gobaleedka Puntland, Md.Maxamed Cali Yuusuf "Gaagaab", ayaa si rasmi ahaan u shegay inay ku jiraan xaallad-dagaal, isla markaana loo baahan yahay inay Reer Puntland u diyaargaroobaan sidii loo dhowri lahaa Sharafta dadka iyo Dalka.

Md. Gaagaab, waxa uu hadalkaasi ku sheegay Dibadbax ballaaran oo shalay ka dhacay Magaalladda Bosaaso, oo lagu ayidayey abaabulka loogu jiro sidii Maleeshiyooyin dheeraad ah loogu diri lahaa Aagga hore ee Tuulladda Ari-Caddeeye, halkaasi oo ay isku hor-fadhiyaan Maleeshiyooyinka Maamulladda Somaliland iyo Puntland.

Mas’uulkaasi, waxa uu sheegay inay leeyihiin Ciiddamo difaaci kara sharafta waxa uu ugu yeeray Dadkayaga iyo Dalkayaga, wuxuuna ugu baaqay Ganacsatadda iyo Dadweynaha Reer Puntland inay ku soo yaboohaan raashin, shidaal, rasaas iyo dad, isla markaana ay Saraakiisha Ciiddamadda Puntland ku soo wareejiyaan Hubkooda fudud iyo kuwo culus.

Madaxweyne-ku-xigeenka Maamul-Gobaleedka Puntland, waxa uu si qayaxan ugu codsaday Reer Puntland inay joojiyaan dhacdooyinka boola-xoofteynta ee dhexdooda ka jiray, isla markaana u soo wada jiheystaan sidii looga hortegi lahaa Duullaanka kaga imanayo Somaliland.

"Waa suurtogal inuu dagaal kale ka soo faruurmi karo dhinaca Sanaag, markaa waa in loo diyaargaroobaa, isla markaana aad muujisaan midnimo, idinkoo meel iska dhigaya Boola-xoofteynta dhexdiinna ku jirtay" ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyey in lagu jiro Xaallad-Dagaaleed.

Mar uu ka hadlayey Aragtida Maamulkiisa ee ku aadan Qorshaha Xukuumadda Dhexe ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee arrimaha hub-ka-dhigista, waxa uu yiri:- "Dowladda Dhexe, waan ku wareejinaynaa Hubkeenna, balse, haatan, waxaan hubka u haysanaa si aan isku difaacno".

Si kastaba ha ahaatee, Aqoonyahanadda iyo Isimadda ku nool Goballadda Puntland, waxay badankooda mooraal ahaan uga soo horjeedaan in meel xun la gaarsiiyo Colaadaha u dhexeeya Walaalaha Soomaaliyeed, waxayna rumeysan yihiin in ujeedooyin dahsoon laga leeyahay Dagaalladaasi.

C/casiis M. Guuleed "Afrika"

abdiguuleed@yahoo.com

Mogadishu, Somalia.








Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.