|
Sheeko
Taxane ah
Dhaawac aan Bogsaneyn
By: Aweis Xuseen Shiino!
Qeybta 16aad
Dhaawac aan Bogsaneyn
Waxaan kale oo aan kordhiyay tegidii aan
Ruuni ugu tegayey Dugsiga ay dhiganeysay , si aan la ii fahmin
sababta aan Dugsigaas ugu noqnoqonayana waxaan dhiirri geliyay
qaar ka mid ah ardeyda halkaas joogtay oo aan xaafadda isla
degganeyn si ay u qoraan Wargeyska derbiga , fikiraddaasna
waxaa soo dhaweeyay maamulihii dugsiga wuxuuna u arkey maaddaama
aan anigu kaalmeynaayo ardeyda in ay ka guuleysan doonaan
Dugsiyada kale oo ay tartanka qoraal kula jiraan , sidaasna
waxaa iigu suurto gashay inaan Ruuni halkaas kula kulmo waqtigii
aan doono oo ay duruufuhu ii saamaxaan
Waxaa dhacdey markii ay maqashay Ruuni arrintaas
ah in aan ka kaalmeynayoardeyda dhinaca qoraalka ayna aragtey
in aan la joogo ardeyda, xafiiska maamulaha anigoola qorsheynaya
sidii aan u soo saari laheyn wargeyska derbiga , in ay iskey
tusto oo ay soohor istaagto xafiiskii, markii ay indhaheynna
isku dhacaanna intey ii dhoollo caddeyso ay markaas ka soo
dhaqaaqdo xafiiskii, taasoo aan u qaatey isoo raac, dabadeedna
ilbiriqsiyo keddib aan u soo raaco , waxayna iiistaagtey meel
xafiiskii ka fog oo gees aheyd.
Waan u imid waana isi salaaney , mar haddii
aysan ila hadleyn waxaan u sheegay sababta aan ardeyda ukaalmeynaayo
in ay tahay iyada darteed , anigoo doonaya in aan iyada halkaan
ku arko keddibna haddii ay ii suurto gasho aan ula hadlo iyadoon
ley fahmin...balse aysan ila hadleyn , taasina ay tahay wax
aan fiicneyn oo aanan ka mudneyn , maadaama aan aheynin walaalkeed
ah oo ilaa yaraanteedii aranaayey.
In kasta oo aan ereyadaas culculus ku iri
Ruuni haddana ilama hadal , waxaanse wejigeeda ka aqristay
in ay ka xun tahay aamusnaanta ay iga aamusan tahay balse
aaney diyaar u aheyn iney ilahadasho oo ay wax erey ah i tiraahdo.
Dhowr mar ayaan sidaas oo kale ugula kulmay
Ruuni halkaas... xitaa qaar ka mid ah wargeysyadii aderbiga
oo aan la diyaariyay fasallada qaarkood waxaan ugu qoray farriin
iyada ku socota , waxaana ka mid ahaa mowduuc aan ardadii
qoraalladaas diyaarineysay aan uga dhaadhicinaayey inuu tusaale
u yahay waraaq qorista wanaagsan , hadalladii aan tusaalaha
ugu soo qaatey warqaddaas oo aan ku qoray waxay ka koobnaayeen
wiil u sheeganaya gabar uu jecel yahay barnaamij uu rabo iney
wax kala qabato, iyaduna aaney dooneyn iney fursad siiso xitaa
codkeeda ay u diiddan tahay iney maqashiiso.
Runtii qoraalkaas waxaan ka quud adrreynayey
in Ruuni aqrisato oo ay markaas wax ilaqabato,laaakiin wax
isbeddel ah kamaarag xitaa ma ogaan in ay Ruuni farriimahaas
iyo qoraalladaas aqrisatey Ruuni, waxaanse anigu u qaatey
ineysan marna Ruuni u gudbin doonin wax fikrad ah maadaama
ay og tahay inaan anigu wax ku qorin wargeysyadaas.
Lasoco khamiista dambe
Aweis Xuseen Shiino Muqdisho - Somalia
|