Codka Beesha

 



 

Sheeko Taxane ah
Dhaawac aan Bogsaneyn

By: Aweis Xuseen Shiino!

Qeybta 18aad
Dhaawac aan Bogsaneyn

Anigoo ka yaabban Saaxibkey sida uu noqdey ayaan iri: adiga sida iiga kaa muuqata haddii aad ku sii socoto xaalladaada meel xun ayey gaari doontaa , aniga waxaan kuugula talinayaa inaad i maqasho ayaa wanaagsan , arrintaan haka welwelin ilaa ay ka soo dhamaato sheekadeeda, inta ka horreysana sidii caadiga aheyd iska ahow , garkaan iyo timahaanna iska soo xiir oo iska nadiifi sidey kaa noqotay? nin dhan oo Injineer ah oo mas'uul ah ayaad tahay , qofkii ku yiqiin hadduu ku arko haatan waa kaa naxayaa , haddii aadan is beddelinna aniga Mukhtaar qudhiisa ayaan la hadlayaa oo aan ka codsanayaa inuu joojiyo qoraalka uu kuu soo dirayo, codsigeynii horena inaan ka noqonay ayaan u sheegayaa, si aad uga nasato arrintaan ku welwelineysa habeen iyo maalin.

Saaxibkey Axmed Cabbaar ayuu aamusnaa isagoo fikir ku maqan dabadeedna wuxuu yiri:xitaa haddii uu Mukhtaar nala soo xiriirin dhibaato i gaari laheyd iima dhinna oo mar hadii aan ogaadey in Ruuni nin kale xiriir la laheyd aniga hortey oo aysan ii sheegin wey iga dhimatey , xiisihii aan u qabeyna maanta karaahi ayu isu beddelay .

Runtii saxibkey Axmed erey kasta oo uu yirahdo murugo iyo niyad jab ayuu ii sii kordhinaayey waxaana igu soo faafayey isla dareenkiisa oo kale, aniga iyo isagana waxan aheyn murugeysanayaaal , maalmo keddibna anigii isaga ku eedeynayey nadaafad dari ayaa la mid noqdey , waxaan u ekeynay labadeynaba Waraabayaal ka soo baxay god boor badan oo ay maalmo ku dhuumanayeen.

Waxaa mar kale na soo gaarey waraq uu soo diray Mukhtaar oo daba joogta kuwii hore , isla markii aan boostada ka soo qadney , saaxibkey Axmed Xummad ayaa qabatey sida qof kaneco cuntey oo kale , indhaha ayuu ka casaadey dhuuntana ciil ayaa la kala go'ay , markaan warqaddii kuma aanan akhrirn Boostadaii gudaheeda ee guriga ayaan u soo qaadaney .

Markaan gurigii nimid saaxibkey warqaddii wuxuu dul saartey kuraastii aan fariisaneynay ee qolka fadhiga , keddibna arimaheynii kale ayaan ku dhaqaqney.

Habeenkaas markii an qolka fadhiga isugu nimid ayuu saxibkey Axmed iga codsadey inaan galkii warqadda furo oo aan akhriyo , keeddibna waan furay , waana kala bixiyay warqaddii sidaan ayeyna u qorneyd:-

Salaan macaan keddib,

Sidii aan u tegay Dugsigii Ruuni ay dhiganeysay iyo gurigeedaba wax soo kordhay ma jirin, marnaba ilama hadal laakiin sida aan dareemay Ruuni wey i fahamtay inaan ujeeddo weyn ka leeyahay waayo waxay iila muuqatey iney u bislaatey barnaamijka aan ugu talagalay mar haddey noqotay gabar weyn oo bislaatey oo mar dhawna ka baxeysa Dugsiga sare.

Markii ay Dugsigii sare ka baxdey oo la soo dhejiyay natiijadii Imtixaanka , aniga waxaan tegey Dugsigii si aan u soo arko in Ruuni gudubtay Imtixaanka iyo in kale, waxaana soo arkey natiijadii , weyna gudubtey Ruuni Imtixaankii iyada iyo ina habaryarteed Aasiya .

Anigoo ka faa'iideysanaya munaasabaddaas ayaan hore u soo raacey Ruuni iyadoo u soo noqoneysey gurigeeda , Ruuni wey i arkeysay markii aan raadinayey Natiijadeda Imtixaanka oo aan ka eegayey halka lagu soo dhejiyay , balse eegid mooyee wax kale iima lahaan .

Waxaan ugu hambalyeeyay Imtixaanka ay gudubtay laakiin ilama hadal , salaan ayey ii soo taagtey si diiran ayeyna gacanta iigu dhuujisay.....waxaana taas u fahmay iney ka waddey macnaha .. mahadsanid.

La soco Khamiista dambe

Qore Aweys Xusen Shiino

La soco Khamiista dambe

Nabiil19@yahoo.com

Aweis Xuseen Shiino Muqdisho - Somalia









Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   

la soco Khamiista dambe......
Qeybtii 9aad
 
 
 


Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.