Codka Beesha

 



 

Sheeko Taxane ah
Dhaawac aan Bogsaneyn

By: Aweis Xuseen Shiino!

Qeybta 1aad
Ugu dambeyntii waan ka fagsan waayey inaan aqbalo talada saaxibkey Axmed, intii aan ka madax adeygayeyna taladiisa waxaan shaqo la'aa muddo lix sano ah oo aheyd intuu saaxibkey dibedda ku maqnaa oo aan is arag inaan telefoon,telex iyo waraaqo iskula xiriirno mooyee.
Muddadaas dheer saaxibkey wuxuu igu qalqaalinayey inaan muqdisho kaga soo dhoofo halka uu isagu ku sugan yahay, waayo isagu wuxuu ka mid ahaa ragga iyagu ka shaqeysta mid ka mid ah dalalka khaliijka, wuxuuna ku lahaa sharci, heshiis dheerna wuxuu kula jiray shirkad dhismo oo dalkaas howlo ballaaran ka fulisa , wuxuuna jecleystay saaxibkey inaan halkaas kawada shaqeysanno mar haddii aan ahey wiil isaga Jaamacadda kala baxay , saaxibkiisii gaarka ahaana aan ahey.
Waxaan isu diyaariyay safar isla markii ay isoo gaareen warqihii sharciga iyo dal ku galkii oo uu isaga ii soo diray , waa safarkii iigu horreeyay oo aan dalka hooyo uga baxo, waxaan cabsado iyo waxaan walwalaba waan dhaqaaqey, diyaaraddiina waan raacey.
Wuxuu igu soo dhaweeyay saaxibkey garoonkii diyaaradaha ee dalkii uu joogay, isagoo ay ka muuqatey xiisihii iyo hillowgii uu ii qabey muddadii aan kala maqney, waan isu soo haanyooney annagoo wada dareensan mahadhadii saaxibtinimo ee noo dhaxeysay .
Waxaan soo raacney gaari uu wadey oo ay laheyd shirkadda uu u shaqeynayey , gurigii uu degganaa oo aad uga fogaa garoonka dayuuradaha ayuu i keeney , intaan dhar iska beddelid iyo qubeys ku jireyna casho fudud ayuu saaxibkey dabka noogu tuuray illeyn saaxibkey waa qof kaligii noole.
Saaxibbo aad isu jecel oo waqti dheer kala maqnaa ayaan aheyn , ma'aan seexan habeenkaas ilaa waaberigii waxaan ka sheekeysaneynay waayo waayo iyo waxyaabo isugu jiray safarkeygii iyo dayuuradihii kala duwanaa ee aan soo raacey , xaaladaha nolosheyda , dalka aan imid , shaqada uu ii diyaariyay iyo sida aan u gudan doono iyo safar afartan cisho ahaa ee uu ku tagay mid ka mid ah isla dalalka khaliijka halkaas oo uu saaxibkey ku soo mehersaday gabar reer muqdisho aheyd oo iyaduna halkaas ka xoogsaneysay, arrintaas oo uu horey iigu soo sheegay iyadoo kooban iiguna soo qorey waraaq oo uu iisoo diray, isla markaasna wuxuu i tusiyay sawirkii gabadhaas iyo kuwo kale oo labadooda ay ka muuqdeen oo laga qaadey xafladdii meherkooda wuxuuna ii sheegay magaceeda oo ahaa RUUNI.
Sawirradii ayaan si wacan u eegey runtiina waxay aheyd Ruuni sida aan uga jeeday sawirkeeda gabar aad u qurux badan aad ayeyna iisoo jiidatey, saaxibkeyna waxaan ku ammaaney dooqiisa wanaagsan ee uu ku soo xushay gabadha quruxda badan waana ugu hambalyeeyay, waxaan ku jirnay qol ilaa xad ballaaran oo ay yiilleen laba sariir oo balballaaran laakiin wuxuu ahaa qol laga dareemaayo in qofka ku nool uu yahay doob kaligii ah ama dhallinyaro ah, inkasta oo qeybaha kale ee gurigaas ka kooban yahay ay ahaayeen saddex qol , jiko ,Suulli iyo garaasha ilaa laba gaari ku filan oo uu saxibkey ijaartey kaligii.
Habeenkaas waxaan ka wada sheekeysaney wax kasta oo maskaxdeyna ku soo dhaca oo aan xiiseyneynay
la soco maalmaha ......... iyo ......
Qeybta Labaad









Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Sh.Mohamed Guuleed

   

Sh.Omar Faruuq

   

Qeybta 3aad ee sheekada
Qeybta 4aad ee sheekada
Qeybta 5aad ee sheekada
Qeybta 6aad ee sheekada
Qeybta 7aad ee sheekada
Qeybta 8aad ee sheekada
Qeybta 9aad ee sheekada
Qeybta 10aad ee sheekada
Qeybta 11aad ee sheekada
Qeybta 12aad ee sheekada
Qeybta 13aad ee sheekada
Qeybta 14aad ee sheekada
Qeybta 15aad ee sheekada
Qeybta 16aad ee sheekada
Qeybta 17aad ee sheekada
Qeybta 18aad ee sheekada
i noo soo dir fikradaadaku saabsan sheekadaan
 


Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.