Codka Beesha

 



 

Somali MPs: Kuwii idin soo doortay ayaa ku dhibqaba by Kenyan PMs

Dic,14.2004 RadioFreeSoamalia (RFS)

Dhacdo Run ah oo ka dhacday Kenya.


Sanadku waxaa uu ahaa 1992 meeshuna waa Nairobi Kenya.

Baarlamaankana waxaa kan Kenya. Ayadoo break ama nasasho yar lagu jiro ayaa waxaa meesha qamrada lagu cabo waxaa ku dagaalay labo xildhibaan (MP) oo Soomaali ah oo laga soo doorto NFD ama gobolka NE.
xildhibaanada si xun ayey gacanta isula tageen oo weliba dhalooyinkii ay isku tuurayeen ayey wax
gaarsiiyeen xildhibaano kale oo Kenyan ah (Kukuya)
Mardanbe ayaa la kala jiiday oo wxii dhaawacmay
isbitaalada loola cararay.

Subaxii danbe bal adba iska garo wararka madaxdood.(Front Page) daily nataion ama standard iyo tvgaba ayagaa ku qornaa.

Aniga waxaan ahaa qaxooti Soomaali ah oo markaas ku sugan Nairobi ee maxaa iga galay? Maxaa iga galay? Maxaa iga galay?...........

Markii la weydiiyey waxa ay isku dagaaleen hadalkii ay ku hadleen ayaa wax iga galay oo i taabtay.
Hadal aad iga xanaajiyey waxay yiraahdeen ayagoo
mediyaha la hadlaya " La yaab ma leh in aan isdagaalno annagoo xildhibaano ah kuna jirna guriga umadda" Soomaali baa nala yiraahdaa oo dagaalku waa noo caadi horena waan ka heshiinaa. dulqaad isuma lihin oo gacanta ayaa naga soo horeysa -- gacanta ayaan waxeena ku dhamaysannaa"

Aniga waxaan dhibsaday ceebtooda waxa ay ugula soo galgasheen Soomaali iyo beenta ay inaka sheegeen.

Xaqiiqda dadka Soomaalida badankood ma ahan dad fidmo iyo dagaal jecel bal waaba dad nabadda jecel.
jabhadihii iyo kuwa dagaalamay Soomaali ma mathalaan waa dad waalan ama jiran ama aan iimaan lahayn.
Waa dad aan naftooda sharfin ama aqoonta ku yartahay.
Waa dad anshax iyo diin aaan lahayn mana matali karaan Soomaali.

Hadday dagaalamaan ma ahan inay Soomaali ceebta kula soo galgashjaan.

Jawaabtii Kenyaanku ka bixiyeen dagaalka Somali MP
waxay ahayd " Kuwii soo doortay ayaa ku dhibqaba. Waa Garisa iyo Wajeer nawaaxigooda.

Maanta waa tii oo kale Nairobi waxaa isku feeray oo ku dagaalay marlabaad xildhibaano ama xildhibaano ku
sheeg.

Waa in tababaro loo furaa waana in sharci deg deg ah
laga dejiyaa dagaalka xildhibaana. Baarlamaanada
dagaalaa oo isu gacan qaadaa waa kuwa addunka ugu
liita. Mardanbe yeynaan arkin xildhibaano Soomaali ah
oo isku dagaalaya baarlamaanka gudahiis mana rabno in caruurteenu arkaan jahligaas oo kale.

Baarlamaanku waxaa loogu talo galay inay sharciga
maalaan dadka Soomaaliyeedna tusaan in wax walba miis iyo wada hadal lagu dhamayn karo.

korwaayeel@yahoo.com








Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.