![]() |
![]() |
![]() |
|
|
R/wasaaraha Soomaaliya oo shahaado sharaf gudoonsiiyay mid ka mid ah howlwadeenada warbaahinta Qaranka “Sawirro”
DECEMBER 31, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Abshir Xaashi Cali oo ka mid ah howl wadeenada warbaahinta Qaranka islamarkaana mudo gacanta ku soo hayay keydka Radio Muqdisho soona badbaadiyay xiliyadii burburka uu dalku kujiray ayaa waxaa Maanta Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” uu shahaado sharaf ku hor Gudoonsiiyay golaha wasiirada ee kulankooda Isniinlaha ahaa kuyeeshay Muqdisho. R/wasaaraha ayaa golaha wasiirada hortooda uga mahadceliyay Xaaji Abshir Xaashi waxa uuna tilmaamay in dowladu il gaar ah ku eegi doonto dadka kale ee badbaadiyay dhaxalka Qaranka oo ka Dhaxeeya dadka Soomaaliyeed ha ahaato dhisme iyo meelo kale intaba. Waxa uu R/wasaaruhu sidoo kale u mahadceliyay dhamaan dadkii muwaadiniinta ahaa ee Badbaadiyay hantida Qaranka ee kusugan guud ahaan dalka. Abshir Xaashi Cali oo muddo soo ahaa madaxa Keydka Radiyaha iyo TV-ga Qaranka ayaa ka mahadceliyay Maamuuska ay dowladu usameysay isagoo sheegay in xitaa ay dhowr jeer naftiisu Qatar ku gashay intii uu ku guda jiray badbaadinta waxaa uuna intaa ku daray in diyaaradihii dagaalka mareykanka ee UNISOM duqeyntii ay ugeysteen Radio Muqdisho ay dhibaato xoog leh ugeysatay keydka isagoo xusay in ay waxyeelo soo gaartay qeybtii afafka qalaad.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|