![]() |
![]() |
![]() |
|
|
DAAWO SAWİRRADA :- Ardaydii maanta muqdisho ka ambabaxday oo Ankara si weyn loogu soo dhaweeyay February 3, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada soo dhoweyn heer sarre ah oo magaalada Ankara ee xarunta wadanka Turkiga loogu sameeyey Ardaydii Maanta Muqdisho ka ambabaxday ee gaareysay ku dhowaad 400. Soo dhaweynta ayaa waxaa ka qeybqaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga oo uu hogaaminayey Ra’isulwasaare kuxigeenka dalkaasi,Wasiirka Waxbarashada Turkiga,Culumaa’udiinka ugu caansan dalkaasi,mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ,ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarata magaalada Ankara iyo Arday u dhashay walaalaha Turkiga oo doonayey iney wadankooda kusoo dhaweeyeen walaalahooda cusub. Markii ay ardaydeena gaareen magaalada Ankara waxa uu Ra’isulwasaare Kuxigeenka Turkiga gacantiisa ku gudoonsiiyey Jaakado loogu talagalay in qabowga laga xerto ayadoo Ardayda ukala dhashay Turkiga iyo Soomaaliyana ay ubaxyo iyo callamada labada dal ee walaalaha ah kusoo dhaweeyeen Ardayda cusub.
Photo by:- cadaawe
Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|