![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Maxamed Xasan Xaad”Shacabku Wa In Ay Dhismayayaasha Dowladda Uga Baxaan Muddada Loo Qabtay”
February 2, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed eyaa ugu baaqay shacabka in ay u hoggaansanaadaan awaamiirta dowladda ayna uga baxaan dhismayaasha dowladda waqtigii loo qatay. Maxamad Xasan Xaad oo ka mid ah waxgaradka beelaha Soomaaliyeed oo wareeysi qaas ah siiyay Radio Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka Somaaliyeed ee deggan dhismayaasha dowladda in ay banneeyaan, una hogaaansamaan Awaamiirta dowladda si loogu adeego bulshada. “Shaabka waxaa laga rabaa in ay fuliyaan amarka dowladda, dowladduna wa in ay si farsameysan ula maaamishaa shacabkeeda taasna waxaa lagu gaari karaa isfaham iyo wadashaqeyn dhex marta shacabka iyo dowladda” ayuu yiri Maamed Xasan Xaad. Sidoo kale Xaad waxaa uu tibaaxay in odayaasha dhaqanka iyo waxgaradkuba ay taageersanyihiin nidaamka dowliga ah ayna la dhacsanyihiin qaabka ay haatan dowaddu wax u waddo isagoo hoosta ka xaqiiqay in taageero buuxda ay la garab taaganyihiin dowadda. Hadalkan ayaa imaanaya xilli maalmo kooban ay harsantahay muddadii ay dowladdu u qabatay in looga guur dhisayaasha dowladda, si dib loogu soo nooleeyo adeegyadii bulshada. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|