![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Baarlamaanka Kenya Oo Magacaabay Gudi Soo Baara Dhibaatada Ay Ciidammada Kenya Ka Geysteen Gaarisa Iyo Islii NOVEMBER 21, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Baarlamaanka dalka Kenya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Nairobi waxey ku magacaabeen gudi soo baara dhibaatada ay Ciidammada dalkaasi ka geysteen Magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi Barri iyo Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi. Gudigaan oo ka kooban laba gudiyo oo Baarlamaanka ka tirsanaa waxey si guud qiimeyn iyo baaritaan ugu soo sameyn doonaan qasaarihii ka dhashay howlgalladii ay Ciidammada dalka Kenya ka sameeyeen Gaarisa,Islii iyo Sanguuri halkaasi oo qasaarooyin farabadan ay ka dhasheen. Gudigan baaritaanka iyo qiimeynta qasaaraha loo xilsaaray waxaa ay Xildhibaannada Baarlamaanku uga fadhiyaan in mudo Todobaad ah gudihiisa ay Xildhibaannada ku horkeenaan warbixin dhameystiran oo ah natiijada baaritaankooda. Faarax Macalin oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Dalka Kenya oo kulankii ay Xildhibaannada Baarlamaanka Kenya yeesheen maanta shir gudoominayey ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay sida ay Dalka Kenya ugu kordhayaan dhibaatooyinka amni darro. Gudoomiyaha gudiga Difaacayaasha Kenya oo isaguna ah gudi ka tirsan Baarlamaanka oo kulanka ka hor hadlayey ayaa waxa uu ku tilmaamay in sameynta gudigan baaritaanka sameynaya ay fududeyn doonto in kuwa dhibaatada geystay Caddaalladdda la horkeeno. Ciidammada Dowladda Kenya ayaa howlgallo uu kasoo gaaray qasaare lexaad leh waxey ka sameeyeen magaalada Gaarisa iyo Sanguuri oo gobolka Waqooyi Barri ka wada tirsan halkaasi oo ay Dowladda Kenya sheegtay in looga dilay Askar ka badan Afartameeyo. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|