![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Erag “waxaan wadnaa baaritaano kooxihii dilay guddoomiyahii suuqa bakaaro”
NOVEMBER 26, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Hay’adda nabad sugida Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyay dilkii loo geystay guddoomiyihii ganacsatada Suuqa Bakaaraha. Taliyaha hay’adda nabad sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Erag oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan kooxihii ka dambeeyay dilka guddoomiyihii ganacsatada suuqa Bakaaraha Axmed Nuurre Owdiini kaas oo ay saakay rag ku hubeysan bitoolado ay ku toogteen xafiiskiisa oo ku yaalay suuqa Bakaaraha. Kooxaha dilka ugeystay Guddoomiyihii ganacsatada ayaa sidoo kale waxa ay dileen mid ka mid ah ilaadiisa kaas oo ku sugnaa afaafka hore ee xafiiska uu ku sugnaa guddoomiyaha. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|