![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Mudaneyaasha Baarlamaanka oo loo qeybiyay sharciga maamulka iyo maaliyadda si ay u soo aqristaan
DECEMBER 22, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Mudaneyaasha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa loo qeybiyey sharciga maamulka iyo Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ee sannadka 2013-ka, si ay u soo akhristaan kadibna ay uga doodaan. Kulankii maanta ay Muqdisho ku yeesheen mudanayaasha Baarlamaan Soomaaliya ayaa waxaa shir guddoominayay afhayeenka Baarlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxaana Kooramka kulankii maanta soo xaadiray 146 mudane iyadoo ajendaha uu ahaa qeybinta sharciga maamulka iyo Maaliyadda dowladda Soomaaliya, mudaneyaasha ayaana loo qeybiyey sharciga maamulka iyo Maaliyadda si ay u soo akhristaan kaddib ay uga doodana ayna ansaxiyaan. afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay in guddigii loo xilsaaray barnaamijka Maaliyadda in ay dib u eegis ku sameeyaan sharciga Maaliyadda. Sidoo kale guddoonka Baarlamaanka ayaa mudaneyaasha ka hor sheegay in Xukuumaddu ay keentay heshiis dhinaca Milatariga la xiriirra, waxa uuna magacaabay guddi heshiiskaasi ka soo arrinsado si ay xildhibaanada u meel mariyaan. Guddoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in inta uusan xirmin kalafadhiga Koowaad ay meel marinayo mudaneyaasha Miisaaniyadda dowladda si Xukuumadda ay ugu fududaato howsheeda. Maalinta birito ah ayaa waxaa lagu ballamay in dib la isugu soo laabto si loo dhageysto guddiyadii lagu amray in ay Baarlamaanka horyimaadaan sida Guddiga Xeer-hoosaadka iyo Guddiga Maaliyadda oo ay mudaneyaashu akhrinteedu ku maqan yihiin. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|