|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Agaasimayaasha Wasaaradaha oo lagu bedelayo Xoghayayaal joogto ah
DECEMBER 19, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Iyadoo dhowaan Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu soo dhameystiray Golihiisa Wasiirada, ayaa waxaa socda qorshayaal lagu bedelayo Agaasimayaasha Wasaaradaha Xukuumada, kadib markii Ra'iisul wasaaruhu min labo wasiir kuxigeen u magacaabay Wasaarad walba.
Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa maalmihii u dambeeyay wada tashiyo ka lahaa, sidii loo dar dar gelin lahaa wasaaradaha xukuumada, iyadoo qorshuhu yahay in Agaasimayaasha lagu bedelo Xoghayayaal joogto ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu si kala gaar gaar ah ula kulmay qaar ka mid ah agaasimayaasha, iyadoo si dadban ugu sheegay in booskooda ay geli doonaan Xoghayeyaal joogto ah, waxaana nidaamkan uu noqon doonaa mid ka bedelnaan doona nidaamyadii hore.
Inkastoo aanay jirin awood si rasmi ah loogu kala qayxay wasiir kuxigeenadii labada ahaa ee la magacaabay, hadana Ra'iisul Wasaaraha ayaa qaba in Wasiir kuxigeenadu ay howshooda kala qeybsan tahay, isla markaana ay u shaqeyn doonaan sida Agaasimayaal oo kale.
Lama oga tirada lagu saleyn doono xogahayaasha joogtada ama inay la mid noqonayaan sida labada wasiir kuxigeeno, hase ahaatee maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa jiray codsiyo ay dirsadeen aqoonyahano, siyaasiyiin iyo rag kale oo CV-gooda u gudbinayay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|