![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Ciidamada Puntland oo soo Furtay Dad Afduub loogu Haystay Markabka MV Iceberg 1….WARSAXAAFADEED
DECEMBER 23, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Ciidamada Puntland oo muddo labo-isbuuc ah ku hareeraysanaa markabka MV Iceberg 1 oo burcad-badeed Soomaaliyeed ay madaxfurasho ugu haysteen xeebaha Puntland muddo ku dhow 3-sano ayaa maanta dadkii afduubka loogu haystay laga soo furtay iyagoo bad-qaba. Ciidanka Badda Puntland ayaa Dec. 10 waxay isku hareerayeen markabka MV Iceberg 1 iyadoo labo-isbuuc iyo dagaalo ka dib dadkii maanta [Dec 23] laga soo furtay burcad badeedkii. 22-qof ayaa waxaa ka muuqata jirdil iyo cunno yari, iyadoo dadkii ay iminka ku jiraan gacanta Ciidamada Puntland waxaana loo fidinayaa daryeel isugu jira cunno iyo daawooyin. Dhanka kale, 8-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Puntland oo dhowaan afduubtay markab laga leeyahay dalka North Korea oo ay waardiye ka hayeen [MV Daesan] ayaa Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland amartay in la xiro sharcigana la mariyo. Markabkaasi waxay askartu afduubeen Dec. 18, iyadoo Puntland dadaal ay gashay ka dib markabkii dib loogu soo celiyay Dekedda Boosaaso Dec. 19. Afduubka markabka MV Daesan waxaa ka dambeeyey gacmo siyaasadeed iyo burcad badeed iskaashaday iyadoo looga danlahaa in lagu carqaladeeyo howlgalkii lagu soo furan lahaa markabka MV Iceberg 1 oo maanta la soo afjaray. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|