|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Wadooyinkii ku xirmay Qaraxii Naf Halignimo ee Baladweyne oo si rasmi ah loo furay “SAWIRRO”
NOVEMBER 27, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Maamulka Gobalka Hiiraan oo kaashanaaya Saraakiisha Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa maanta dib u faray dhamaan wadooyinkii iyo goobahii ganaacsiga ee ku xirmay ka dib qaraxii naf halignimo ee Ciidamada Ethiopia lagula beegsaday Xaruunta Maamulka Gobalka Hiiraan.
Gudoomiyaha Degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi oo furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeyaa aanu jirin wado ka xiran dadka shacabka goobaha ganaacsigana ay u shaqeyn doonaan sidii lagu yaqiinay in xili dambe oo habeenkii in ay furnaadaan.
Taliyaha Ciidamada Amisom ee Gobalka Hiiraan Korneel Cismaan Dubad Sugule ayaa ku eedeeyay xirnaashahii wadooyinkan in ay ka dambeeyeen kooxaha diidan nabada Soomaaliya Maadaama awoodooda la wiiqay isla markaana uu bilaawday iskaashi ka dhaxeeya bulshada wax walba ay wanaag ku dambeyn doonaan.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo howlahaasi furitaanka wadada soo afjaray ayaa sheegay in dowlada waajibkeedu yahay sugida amaanka dadkeeda waajibaadkaana sidiisa loo gudan doono.
Dhinaca kale ciidamo dhawaan lagu soo tababaray Saldhig ay duleedka baladweyne ku leeyihiin ciidamada Amisom ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay Saldhiga baladweyne si ay u qabtaan howlahii loga barta in saldhigi uu bulshada u qabto.












Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|