|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Banaan bax looga soo horjeedo muddo kororsiga Faroole oo ka dhacay Galkacyo
DECEMBER 24, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Banaan bax looga soo horjeedo muddo kororsiga uu doonayo inuu sameysto Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Galkacyo, iyadoo Ciidamada amaanka ay kala eryeen dibad baxayaasha.
Wariye ku sugan magaalada Galkacyo ayaa sheegay in banaan baxyada ay iskood isugu soo baxeen wadooyinka iyo xaafadaha, iyagoo ku qeylinayay halku dhigyo ka dhan ah maamulka Faroole oo ay ku tilmaameen mid keli talis ah.
Ciidamada ammaanka ayaa xiray dhowr ruux oo ka mid ahaa dibad baxayaasha, iyadoo ay kala ceyriyeen dadweynihii kale, waxaana saraakiisha ammaanka ku tilmaameen banaan baxan inay soo abaabuleen kooxo ka soo horjeeda masiirka Puntland.
Banaan baxyaasha ayaa ka soo horjeeday xarig ciidamada Madaxtooyada Garowe habeen hore u geysteen odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Mudug, kuwaasoo dhowaan Garowe u tagay sidii ay u xalin lahaayeen khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Puntland.
Xaafadaha qaar ayaa waxaa ka socda banaan baxyo gooni gooni ah oo dadka iskood meelaha u socda, waxaana ciidamada ay isku dayayaan inay kala eryaan banaan baxyaasha, iyagoo rasaas cirka ugu ridaya.
Maamulka Puntland ee uu hogaamiyo C/raxmaan Faroole ayaa 8-da bisha Janaayo ugu eg waqtiga, iyadoo uu ku doodayo in muddo sanad uu kordhisanayo, si uu u dhameystiro howlihii uu horay u ambaqaaday.
Siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland oo qaarkood u badan musharaxiin ayaa ka biya diidan in xilligan muddo kororsi uu sameysto Faroole, waxaana ay ka digayaan inuu ka dhasho qalalaaso iyo fowdo, hadii ay dhacdo muddo kororsi.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|