![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Banaanbax Lagu Taageerayo Howlgallada Lagu Qaadayo Isbaarooyinka Oo Xamarweyne Ka Dhacay
NOVEMBER 27, 2012 (Radfiofreesomalia.com) -Banaanbax aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayadoo banaanbaxanna lagu taageerayey Howlgallada ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ku qaadayaan isbaarooyinka kuwaasi oo ka socda magaalada Muqdisho. Banaanbaxa ayaa waxaa kasoo qeybgalay Ardayda,haweenka,waxgaradka,dhalinyarada iyo guud ahaanba dadweynaha ku nool Afarta xaafadood ee degmada Xamarweyne waxaana dadka banaanbaxayaasha ay socod ku mareen wadooyinka degmada ayagoo ugu dambeynna isugu yimid xarunta maamulka degmada. Banaanbaxayaasha ayaa waxey siteen boorar ay ku qoranyihiin halkudhigyo ay ka mid ahaayeen “DOONI MEYNO QARAN DIID” “DOONI MEYNO QABIIL KU QARAABTE” “QABIILKA AAN AASNO” “QARANNIMO AYAA NA DEEQDA” “AAN XAAQNO XUMAANTA” iyo erreyo kale kuwaasi oo ay banaanbaxayaashu ku qaylinayeen. Gudoomiyaha maamulka degmada Xamarweyne Ibraahim Sahal Gardhuub oo bananbaxayaasha la hadlay ayaa tilmaamay in shacabka iyo maamulka degmada Xamarweyne ay si aad ah u taageersanyihiin howlgallada ka socda Muqdisho ee isbaarooyinka lagu qaadayo ayadoo taasina ay marqaati ka tahay buu yiri in degmada Xamarweyne ay noqotay . Qaar ka mid ah dadka Banaanbaxayaasha oo iyaguna ka hadlay Banaanbaxa ayaa muujiyey dareenkooda ku aadan sida ay ugu faraxsanyihiin howlgallada ka soconaya magaalada Muqdisho ee isbaarooyinka lagu qaadayo ayagoo Madaxweynaha Jamhuuriyaddana ku ammaanay go’aanka geesinimada leh ee uu arintaasi ka qaatay. Banaabaxan maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho si aad ah looga dareemayo howlgallo lagu qaadayo isbaarooyinka sharci darada oo saacadihii lasoo dhaafay ay Ciidammadu magaalada ka fuliyeen waxaana howlgalladii ugu dambeeyey lagu qaaday ku dhowaad 20 Isbaaro oo si sharci darro ah lacago loogu qaadayey. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|