![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Nabad Sugidda Qaranka Oo Soo Bandhigay Maleeshiyaad Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Is Soo Dhiibay
DECEMBER 9, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab kuwaasi oo iyagu isasoo dhiibay. Maleeshiyaadkan ay maanta soo bandhigtay Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka oo iyagu sheegay iney sidoo kale horjoogayaal kasoo noqdeen kooxdaasi ayaa waxaa ay ahaayeen laba ruux waxaana lagu kala magacaabaa Maxamed Garaad Cali Al-Shabaabna ay u yaqaaneen (Dulyadeeyn) iyo Axmed Daahir Nuur oo ay Al-Shabaab u yaqaaneen(Ansaari). Labadani dhalinyarro oo lahadlay Saxaafadda ayaa sheegay iney xilal kala duwan oo qaarkood ay horjoogayaal Maleeshiyo soo noqdeen hadana ay garteen xaqiiqda dhabta ah oo ah ineysan kooxdu diin ku dhaqmeyn ama wadan sidaasi darteedna ay Dowladda isugu soo dhiibeen umaddana ay cafis weydiisanayaan. Taliyaha Ciidammada Nabad Sugidda gobolka Banaadir General Khaliif Axmed Ereg oo isaguna la hadlay Saxaafadda ayaa tilmaamay in labadan dhalinyaro ay maanta isasoo dhiibeen islamarkaana ay garteen dhibaatada ay kooxdu ku heyso shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay hay’addu soo dhoweyneyso cid kasta oo kooxdaasi kasoo baxeysa. Labadan dhalinyaro oo maanta lagusoo bandhigay magaalada Muqdisho ayaa ku biiray koox dhalinyaro ah oo horey uga tirsaneyd Maleeshiyada Al-Shabaab kuwaasi oo dhaqan toosin ay hada Dowladdu u sameyneyso.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|