Codka Beesha

 



 

NIN IDHA LA' HADDANA DHAGA LA' SIDEE WAX LOOGU SHEEGI KARAA!

Dic,16.2004 Radio Free Somali (RFS)

Waxay ummadda somaliyeed u hanweynayd in ay hesho nabad in muddo ah ay ku jrtay dagaalo sokeeyo oo ah mudo dhan 14 sanno. Waxaa jirtay in mudo fara
badan loo sameeyey dagaal oo gayaasha in shir nabadeed, wax ka soo baxayna kuma aysan camal falin.

Shirkii lagu qabtay dalka Djibouti, ayaa waxaa ka soo baxay wax u eg dawlad laakiin laga leexiyey wadaddii ay ku noqon lahayd dawlad, oo waayo nin ayaa jeebkiisa ay ka badan wayday.

Shirkii ugu dambeeyey ee ka dhacay dalka Kenya, oo la qabtay bishii October 15,2002 oo laysugu keenay qab-qablayaashii iyo raggii oranaayey aniga ayaa somaliya u talina waxna ka ah, oo u fadhiyey mudo dhan 2 sanno oo lagu soo dhisay dawlad lagu magacaabay dawlada FKMG ah ee Somaliyeed oo loo sameeyey baarlamaan aanu wado garaynayo sida lagu soo xulay xubnaha baarlamaanka loo dooray ummadda somaliyeed.

Baarlamaanku waxuu ka kooban yahay xubno dhan 275 xubnood, oo ka wakiil ah beelaha somali oo dhan, oo waliba ay ku jiraan qabqablayaashii ay somaliya ka dagi wayday oo u oomaraa in ay xukun qabtaan.

Xubnaha loo doortay baarlamaanka oo 45%, aanan waxna qorin waxna akhrikarin oo ku yimid qoriga caaradiisa ayaan wax ku noqonayaa taasi waa qayb.

Xubno dhan 35%, oo iyadu haysta shahaado dugsi hoose ama wax u dhiganta oo wax akhrin kara waxna qori kara. Xubno dhan 5%, ayaa haysta shahaada dugsi sare.

Xubno dhan 5%, oo ah askar. Xubnaha soo haray oo dhan 10%, oo haysta shahaada Jaamicinimo.

Hadaba, Baarlamaanka ka kooban 275 xubnood oo u badan raga indhaha la' hadana ku darsay dhaga la'aanta, dal ma hogaaminkaraan oo waliba looga
dhigay nin aqoontu ku yar tahay oo aanan haysan wax shahaado ah oo naftiisii been ka sheegay oo waliba yiri waxaan haystaa shahaado dugsi sare, taas waa talaabadii ugu horeysay oo uu beenta ka sheegay hadaba sidee buu u horaaminkaraa gole shacab oo ay ku jiraan dad isaga ka waayo aragsan oo haddana ka aqoon badan, taasi soo ku tusi mayso in golihii shacabku uu yahay gole indha la' hadana dhaga la' sidee baa wax loogu sheegi karaa?

Shacabka somaliyeed dhibaato ayaa haysata, markii ay lahaayeen ka baxa dhibaatadaas ayey sii galeen mid kale, oo aan la garanayn meesha ay ku dambayn doonto. Ummadda somaliyeed, waxay leeyihiin Ilaahay, laakiin ma lahan hogaan dhibta ka saarayaa.

Afhayeenka ninka loo doortay waxaa lagu eedeenaaya in uu ku shaqeeyey eex iyo laaluush in uu qaaday sida ay cadeynayaa raga ku jira baarlamaanka waayo waxaa jirta in hadduu ninku uusan ku jirin cabsi alle waxuu doono ayuu sameynkaraa waayo nin ka ganacsada mukhaadaraad ku duleynaayo Umuda
ma unoqon karaa daaweeye? waa maya.

Afhayeenka ninka loo doortay Baarlamaanka, waa in la baraa sharciga uu leeyahay baarlamaanka iyo xuquuqda ay leeyihiin xubnaha baarlamaanka waayonin aan aqoon u lahayn oo qabiil iyo nin jeclaysi lagu keenay ayuu yahay ninkaas oo aanan waligii ka soo shaqeyn Dawlad shaqadeeda xataa adeegeeda
hoose.

Shaqo wuxuu ka soo bilaabay shaqeeye baabuur ilaa iyo xoolo dhoofiye ilaa jaad dhoofiye(Mukhaadaraad), nin shaqadaas ka soo shaqeeyey dawlad ma u noqon karaa afhayeen, waa maya.

Waxuu meesha u yimid in uu xoolo ka tamcade ee uma imaan in uu wax kale ka qabto maba yaqaanee.

Afhayeenku macnihiisa ma yaqaan horta marka hore mase la baray waxuu yahay afhayeen baarlamaan
iyo shaqadiisu waxay tahay mise waxaa la yiri waxaad tahay afhayeen baarlamaan oo kaliya, haddii sidaas la yiri waa la ajaray ninkaas.

Xagee lagu arkay baarlamaan cid ku jirta oo aan xeer hoosaad iyo sharuuc lahayn ama aan lagu qaaday oo markii uu doono uu iska maqnaanaayo oo uusan kale garanay waxuu yahay xildhibaan.

Waxaan ogsoonahay in xubno ka tirsan baarlamaanka aanan wali imaan baarlamaan oo dhisan hada mudo dhan 3 bilood iyo 13 beri oo wax sharci ah aan ilaa iyo hadda laga soo saarin ninkii sidaas sameeyo waxuu la kulmiyaa ciqaabta noocaas ah iyo aanan wali la siin wax dhigniin ah, oo ku wajahan xubinimadadiisa. Dhibta ugu wayni waxay tahay waxaa wax lagu qabsaday wax loogu yeeray beelo ka kooban 4.5, oo nin walba waxuu leeyahay waxaan ahay reer helan ama qabiilo hebal oo wax layga qaadir karo ma jiro, uma uusan qabin in uu markii xilka loo doortay uu ka gudbay beelihii loogu soo xulay oo uu hadda yahay nin ummadda somaliyeed u ah mid u shaqeynaaya.

Xubnaha loo doortay baarlamaanka oo iyagu wado doonaaya in ay noqdaan ku ligood wada wasiir ama wasiir ku-xigeeno oo isbaaro u dhigtay si loo soo dhisi lahaa rag aqoon u leh oo wax kale wadi kara ummadda somaliyeed si ay dhabtaas uga bixi lahayd ayey diideen oo waxay yiraahdeen wax banaan laga keenaayo ma jiraan golaha wasiirada waxaa laga dhex xulayaa baarlamaanka dhexdiisa, oo ay u badan yihiin ragga aan kor ku soo sheegay, oo aan waligoo wax shaqo ah ka soo qaban waxa ay dawlad ku shuqulihi sidee ayey u noqon karaa rag hogaamiya shacbiga somaliya oo nabad u doonaaya, ma dhici
kartaa taas waa maya.

Waxaa la yaab noqotay dawlad aan la keenin golah shacbiga in la yiraahdo waa la riday soo ma ahan wax laga yaabo oo noqotay wax mucjiro ah, oo waliba waxaa intaas ka sii daran rag ka mid ah ragii ku jiray golaha wasiirada ay ka qayb qaateen arriintaa.

Waxaa iyadana wax ceeb ah in ay ku doodeen ragii yiri waxaanu iska casilay jagooyinkii na loo magacaabay, oo aan qadarin xagee baad joogtaa oo aad isku casili ma dalkaagii mise dal aad marti ku tahay, hore ayaa loo diri martidu waa mida edabta leh ee looma baahna marti edab daran. Waxaa intaas ka sii daran oo ay ku candaroonayaan in aanan qabiilkooda raali ka ahayn jagada la siiyey.

Ninka ka yimid gobolada waqooyi galbeed, oo dhahaya sidaas, oo xataa aan tagi karin gobolka uu sheeganaayo ama qabiilka uu leeyahay raali kama ahayn, oo ku doodaaya waxaa la i siin waayey jagadii aan doonaayey soo ayaan daro ma ahan arintaasi.

Akhrisayaasha qiimaha iyo qaayaha lahoo somali waxaa haysata mucjiso rabaani ah oo in ilaahay uu ka qaado ma aheen aanan garan sidii aanu uga bililahayn

waa qaran qabiil ma noqon karaa, qabiilna qaran ma noqon karaa........Ummmada somaliyeed waxaa hortaagan nin indha la', hadana dhaga la' sidee buu wax ugu sheegi karaa qof leh indho iyo dhago.

Hadaba, ummadasomaliyeed Ilaahii abuuray ayey dhowraysaa sidii ay dhibtaas uga bixi lahayd waayo cidii horboodaysay waxay u kale jabi doonta kooxo ku hardama baarlamaanka dhexdiisa.

Waxaan ogsoonahay in rag isku tilmaamay in ay yihiin aqoonyahano oo ka sii liita kan aan waxna akhrin waxna qorin,uu boqolkiiba boqol uu ka xigmad badan yahay, markii aad dhagaysato waxuu ku hadlaayo, oo waliba aan lahayn damiir wadanimo, oo fiirinaayadanta uu leeyahay oo kaliya.

Hore loo yiri "macnaheedu cilmi aan akhlaaq lahayn waxuu la mid yahay geed aan miro lahayn".

Addunyadu waxay ku socotaa horumar xaga farsamada ah, ummadda somaliyeedna waxay ku socotaa xagga qabiil, oo ilaahay waaka qalbigoodii waa ka saaray siday iga bixi lahaayeen mugdiga qabiil, waa ummad aan ahayn wax wadanimo ah, qalbigoodu ay ka buuxdo qabiil.

Waxaan oran lahaa qabiil meeshuu idin dhigay waad aragtaanee maad ku dadaashaan sidii aad wax kale ugu fakiri lahydee.

By: M.Hassan
siyo@allsomali.com
www.allsomali.cm
info-allsomali@allsomali.com








Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.