![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Mudaneyaasha baarlamanka oo ansaxiyay miisaaniyada sanadka 2013-ka
DECEMBER 30, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Mudaneyaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansaxiyay miisaaniyada sanadka 2013-ka kadib kulan ay maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho. Kala fadhiga koowaad fadhigiisa 43-aad ee Baarlamanka Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad waxaana soo xaadiray oo kooramka buuxiyay 177 mudane. Ajandaha kulankii maanta ayaa ahaa dhageysiga khubad uu jeedinayay wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta oo lagu kordhiyay talooyin ay soo jeediyeen xildhibaanada, gudiga baarlamanka ee tala bixinta, iyo khodobo kale. Ugu horeyn waxaa hadal laga dhageystay Gudiga baarlamanka ee tala bixinta iyo dib u eegista miisaaniyada iyagoona kulanka ka jeediyay talooyin dhowr ah oo ay ka mid ahayeen inla kordhiyo mushaarka ciidamada iyo in lagu saleeyo darajooyinka. Mudaneyaasha baarlamanka ayaa soo jeediyay in la kordhiyay qoondada loogu talagalay wasaaradda adeegga bulshada si ay dib u dhis ugu sameyso Iskuulada si dhalaanka ay u helaan waxbarasho lacag la’aan ah. Wasiirka wasaaradda maaliyada xukuumada Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleybaan ayaa mudaneyaasha ka hor aqriyay miisaanida sanadka soo socda taas oo lagu sameeyay dib u eegis maadama mudaneyaasha ay dib ugu celiyeen wasaaradda maaliyadda. Mudaneyaasha ayaa loo qeybiyay qoraalka miisaaniyada dowladda ee sanadka 2013-ka, waxaana loo qaaday cod gacan taag ah. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mudane Mahad Cabdale Cawad oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa sheegay 176 mudane ay ansaxiyeen halka uu ka aamusay 1 mudane sidaas daraadeedna uu ansax yahay miisaanida sanadka soo socda. Mudaneyaasha baarlamanka ayaa maalmahaan ka doodayay miisaaniyada sanadka soo socda taas oo ay horay u celiyeen xildhibaanada. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|