![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Ganacsatada Bakaaro Oo Wadda Qorshe Sare Loogu Qaadayo Bilicda, Nadaafadda Iyo Amaanka Suuqaasi January 30, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Guddiga ganacsatada suuqa bakaaraha ayaa maanta soo saaray amarro ku wajahan ganacsatada si sare loogu qaado amaanka iyo nadaafadda. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska maamulka ganacsatada suuqa bakaaraha isla markaana uu ku saxiixnaa guddoomiyaha maamulka ganacsatada suuqaasi Axmed Nuurre Ow Maxamuud, ayaa lagu amray ganacsatada in ay nal ku xiraan goobaha ganacsigooda inta ka horreeysa 5-ta bisha Febrayo. Sidoo kale ganacsatada ayaa lagu amray in ay nadiifiyaan agagaarka goobahooda ganacsi si ay qeyb uga noqdaan ololaha nadaafadeed ee ka socda suuqa. Ganacsatada wax ku ibsatada hareeraha waddada ayaa war-saxaafadeedka looga codsaday in ay badeecadahooda dib ugu xareystaan bakhaaradooda inta ka horreeysa 5-ta febrayo. Gaadiidka waaweyn eee boosteejooyinka ka sameystay gudaha suuqa ayaa lagu amray war-saxaafadeedka in laga saaro gudaha suuqa marka laga reebo gaadiidka sida badeecadaha. Howshani ayaa waxa ay qeyb ka noqon doontaa sare u qaadista bilicda suuqa iyo sudidda amniga suuqa weyn ee bakaaraha. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|